Deeq A. Posted Saturday at 11:00 AM Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa xalay ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah. Madaxweynaha ayaa casho sharaf ku maamusay ganacsatada uu la kulmay, isaga oo ku boggaadiyey sida ay u doonayaan hirgelinta qorshaha Muqdishada cusub oo beddeli doonta muuqaalka caasimadda. Sidoo kale madaxweyne Xasan oo la hadlay ganacsatada ayaa tilmaamay in mashruucan wayn uu yahay mid dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ay qayb muhiim ah ku yeelanayan, taas oo xaqiijinaysa in qorshahan uu noqdo mid Soomaali leedahay, oo berito ay ku faani karaan jiilasha soo socda. Waxaa kale oo uu ganacsatada uga mahad-celiyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dalka, gaar ahaan doorka ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xoojinta nabadda. Sidoo kale wuxuu ku dhiirrigeliyey in ay si hagar la’aan ah u bixiyaan canshuurta, ugana qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo dadaallada ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya. Dhankooda ganacsatada ayaa ballanqaaday in ay kaalin weyn ku yeelanayaan mashaariicda qaranka, iyagoo ka duulaya qorsheyaasha lagu xoojinayo dib u dhiska iyo horumarka dhaqaale ee dalka. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda qorshayaal waa wayn oo horumarineed, isla markaana lagu dhisayo garoon diyaaradeed oo cusub iyo dekad laga hirgelinayo banaanka caasimada. Si kastaba, madaxweynaha ayaa maalmahan waday kulamo wadatashi ah oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo todobaadkii hore qaabilay aqoonyahannadii ka qayb-galay shirweynihii 15-aad ee Darasaadka Soomaaliyeed oo 35 kadib lagu qabtay magaalada Muqdisho. Share this post Link to post Share on other sites