Sign in to follow this  
General Duke

Mass demo in Berbera Somaliland..

Recommended Posts

Mudaharaad Aad U Balaadhan O Ka Soconaya Berbera Iyo Dad Ku Dhaawacmay

Somaliland.Org — Berbera, Somaliland — 16 November, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

Berbera (Somaliland.Org) War hada naga soo gaadhaya magaalo xeebeedka Berbera ee Somaliland ayaa sheegaya in ilaa saaka subaxii mudaharaad aad u balaadhan ka soconayo magaaladaas. Dadka mudaharaadaya oo aad u tiro badan ayaa waxay yihiin ardaydii iskulada iyo shacabki magaaladda, kuwaas ka gadooday qorshe xukuumadda Rayale damacsan tahay inay warshaddii sibidhka kaga warejiso magaaladda qalabkedina is-karaab ahaan u iibsato.

 

 

Sida wararku sheegayan kadib markii ciidanki policeka ee magaaladdu la safteen shacabka mudaharaadaya ayaa xukuumadda Md Rayale ku dalbatay ciidamada militariga si ay shacabka u kala eryaan. Halkaasna waxa ku dhaawacmay dad tiro ah. Mudaharaadyasha ayaa wadooyinka ku gubay shaagag iyaga oo xafiisyada dawladdana weerarayay.

 

 

Warkan oo tifa tiran kala soco mar dhow Somaliland.Org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadweynaha Magaalada Berbera Oo Mudaharaad Gadood Ah Kaga Hortegey In Iskaraab Ahaan Loo Dhoofiyo Wershaddii Sibidhka

Somaliland.Org — Berbera, Somaliland — 16 November, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

Berbera (Somaliland.org) – Mudaharaad ballaadhan oo rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada dekedda ah ee Berbera.

 

Mudaharaadkan oo ay ka qaybgaleen boqolaal ka mid ah dadweynaha magaalada Berbera, gaar ahaan ardayda dugsiyada iyo kooxo dhallinyaro ah waxa uu ahaa mid ay dadweynaha reer Berbera ku muujinayeen dareenkooda sida ay uga soo horjeedaa tallaabo xukuumaddu doonayso inay iskaraab ahaan u iibiso Wershaddii Sibidhka ee Berbera, taas oo hadda la sheegay in loo diyaariyey in la dhoofiyo.

 

 

Dadweynaha magaalada Berbera oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey isu abaabulayey mudaharaadkaas ayaa saaka 8:30 subaxnimo bilaabay mudaharaadkooda, iyaga oo socod ku marayey dariiqyada waaweyn ee badhtamaha magaalada Berbera, isla markaana ku dhawaaqayey erayo iyo hal-ku-dhegyo ku lid ah Madaxweyne Riyaale iyo xisbigiisa UDUB, sida “Riyaale ha dhaco… Udub mar baa loo khaldanay, mar dambe loo khaldami mayo…”. Waxayna socod ku tageen xarunta maamulka Gobolka Saaxil ama xafiiska Badhasaabka, halkaas oo ay ugu horrayn is hor tubeen, kadibna ciidanka booliska ayaa rasaas kala horyimi, taasina waxay sababtay in mudaharaadku isu rogo mid rabshad wata.

 

 

Intaa kadibna mudaharaadayaasha oo gadoodsani waxay xoog ku galeen xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Berbera, halkaas oo ay ka bilaabeen dhagaxtuur u suurageliyey inay gudaha galaan, kadib markii askar boolis ah oo ilaalinaysey ay u baneeyeen. Waxayna jejebiyeen daaqadaha xafiisyada maamulka, iyaga oo qaar ka mid ahna inta ay galeen aburburiyey wixii qalab yaalley.

 

 

Dadkaas mudaharaadayey waxay kadib u dareereen dhinaca Dekedda. Hase yeeshee, ciidanka bookiska ee ilaalada dekedda ayaa joojiyey, iyaga oo kala horyimi rasaas ay kor u ridayeen si ay u kala eryaan. Kadibna, waxay dib ugu soo noqdeen dadka mudaharaadayey oo ay weerareen xafiiska maamulka Gobolka, xarunta Maxkamadda iyo xarunta Wakaaladda Biyaha Berbera. Waxayna khasaaraha ugu badan u geysteen dadka mudaharaadayey xarunta Wakaaladda Biyaha oo ay jejebiyeen qalabkii yaalley, isla markaana dibadda lagu arkay qaar ka mid ah faylashii xafiisyada. Waxa kale oo ay dadkaasi si cadho leh u burburinayeen sawirada Madaxweyne Riyaale oo sudhan inta badan xafiisyada dowladda. Waxana ay taayiro ku gubeen dariiqyada magaalada.

 

 

Mudaharaadkaas oo xadhkaha goostay, isla markaana sii ballaadhanayey marba marka ka dambaysa, waxa uu socdey ilaa 1:00 duhurnimo ee maanta, markaas oo mudaharaadayaashu ay iskood isaga kala dareereen.

 

 

Mudaharaadkan oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca magaalooyinka Somaliland sanadahan dambe, ma sugna khasaaraha dadka ka soo gaadhey. Hase yeeshee, masuuliyiinta cusbitaalka Berbera ayaa sheegay in cusbitaalka la keenay 5 qof oo ku dhaawacmay mudaharaadkaas, kuwaas oo mid ka mid ahi ay tahay gabadh uu jiidhay gaadhi. Waxa kale oo ka mid ah laba arday oo ay ku dhacday rasaas seeraaro ah. Laba askari ayaa iyana la sheegay in dhaawacyo sahlani ka soo gaadheen dhagaxtuurkii dadweynaha.

 

 

Dhinaca kale, waxa duhurkii galay magaalada ciidamo Milateri ah oo wata gaadiid tikniko ah si ay u kala dareeriyaan mudaharaadayaasha, kuwaas oo ilaa caawa lagu arkayey iyaga oo wareegaya dariiqyada magaalada Berbera.

 

 

Ciidankaas ayaa la sheegay inay ka qabqabteen dariiqyada magaalada, kadib markii ay soo galeen, iyaga oo u aanaynaya inay ku luglahaayeen mudaharaadka.

 

 

Xaaladda magaalada Berbera ayaa degganayd ilaa gelinkii dambe ee maanta. Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana shir u fadhiya Guddida Nabadgelyada Gobolkaas oo la filayo in ay go’aamo ka soo saaraan arrintan.

 

 

Tirada dadka loo xidhxidhay mudaharaadka, war madaxtooyadu ka soo saartay iyo wixii war ah ee ka soo kordha la soco goor dhow.

 

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

In Ku Dhow 50 Dhallinyaro Ah Oo Loo Xidhay Mudaharaadkii Berbera Iyo Jawaabaha Xukuumaddu Ka Bixisay

Somaliland.Org — Berbera, Somaliland — 16 November, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

Berbera (Somaliland.org) – Wararka caawa naga soo gaadhey magaalada Berbera ayaa sheegay in ka badan 50 dhallinyaro ah oo laga qabqabtay suuqyada magaalada. Waxaana si weyn loo adkeeyey ammaanka, gaar ahaan dekedda iyo meelaha kale dowladda, kadib mudaharaadkii shaqaaqada watey ee maanta ka dhacay magaaladaas.

 

 

Dhallinyarada la qabqabtay ayaa la filayaa in isla caawa guddiga nabadgelyadu xukumo, isaga xukunkooda u adeegsanaya xeerka Xukunka Degdegga ah ee Golaha Wakiilladu laalay, balse weli lagu dhaqmo.

 

 

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadheya Berbera, ciidamo laxaad leh ayaa la dhigay magaalada, gaar ahaan meelaha halbowlayaasha ah, sida Dekedda iyo Haamaha Shidaalka. Dekedda oo habeen iyo maalinba shaqayn jirtey ayaa caawa loo diidey in dadku galaan, waxaana la hakiyey shaqadii ka socotey.

 

 

Maamulka Gobolka Saaxil iyo degmada Berbera ayaa ku tilmaamay mudaharaadkii maanta ka dhacay magaaladaas mid ay ka soo shaqeeyeen dad “ujeedooyin kale leh”, isla markaana aanay jirin iskaraab la dhoofinayo, balse loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo ammaanka magaalada Berbera oo ah isha dhaqaale ee dowladda Somaliland. Tallaabooyinkan lagu adkeeyey ammaanka dekedda iyo meelaha kale ee adeegga guud ayaa iyana dadka reer Berbera waxay u arkaan mid ku salaysan cabsi ay ka qabto in ay falal kale lagula kaco.

 

 

Dadweynaha Magaalada Berbera ayaa mudaharaadka ay maanta sameeyeen waxay kaga soo horjeedeen qorshe la sheegay in xukuumaddu damacsan tahay in qalabka wershaddii Sibidhka ee Berbera ay dhoofiso, iyada oo la sheegay in Iskaraab ahaan looga iibiyey shirkad Jarmal ah oo la sheegay inay dhisayso wershed cusub oo Sibidhka ah.

 

 

Warkani waxa uu soo baxay kadib, markii dhowaan ay dalka yimaadeen wefti ka socda Shirkad Jarmal ah oo la sheegay in Madaxweyne Riyaale la saxeexday heshiis maalgelineed oo ay dalka kaga hirgelinayaan wershed Sibidhka soo saarta, dhuxul-dhagaxda iyo macdanta, isla markaana ay booqdeen wershedda Sibidhka Berbera.

 

 

Hase yeeshee, war saxaafadeed kooban oo uu maanta duhurkii soo saaray Afhayeenka Madaxweyne Riyaale, Mr. Cabdi Idiris Ducaale ayaa sheegay in aanu jirin cid xukuumaddu heshiis kula gashay ama ruqsad u siisay inay Iskaraab ahaan u rarato qalabka Wershedda Sibidhka Berbera. Waxana uu intaa raaciyey “Haddii uu jirona la joojiyey”.

 

 

Waxa kale oo ay dadka reer Berbera ee mudaharaadayey ay ka cabanayeen maamulka Gobolka.

 

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^apparrently,the people are protesting against the corrupt rule of Riyale Kahin,the people have no confidence in him at all,they believe he is selling them and the region while abusing his powers.But what ticked them off today was,the selling of remaining of Berbera ex-cement factory as scrap medal.

 

click here to see the pics of the demostration:warning there are some disturbing images,

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^ No-one died. Xamdulilah.

 

Originally posted by HornAfrique:

[QB] Do not tell me the "police" had the audacity to harm this woman this much? :mad:

"Hadaba waxa halkaasi ka dhacay khasaari ay geysteen mudaharaadayaasha iyo mid loo geystay laftoodaba waxa uu ii xaqiijiyey Isuduwaha Caafimaadka Gobolka in ay dhakhtarka yaalaan 5 qof iyo ruux dumar ah oo iyada gaadhi jiidhay halka afarta kale ay yihiin dad ay jiidhay tacshiiradii ay qubayeen Ciidamada Police"

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by HornAfrique:

Do not tell me the "police" had the audacity to harm this woman this much? :mad:

 

Poor woman. Though I’m more surprised at your shock there, Horn. Is it affected and done in the spirit of saying/doing the right thing?

Surely you didn’t really fall for the Somaliland idea of being a total democracy that affords rights and freedoms to all its citizens! It’s the police, my friend (and African police at that), if you go out demonstrating you have to expect the worse. I can’t for the life of me imagine a police chief sending out his riot police and asking them to be gentle with the demonstrators (and I can’t imagine that anywhere in the world, never mind Somalia). Bad publicity makes no difference to those in charge and hardly ever harms them.

 

On the issue of the cement factor, I’ve got to admit that I’m glad it was dismantled. May all Somali cement factories be shut down and dismantled. Maybe then all those old Somali ladies living in the West will stop starving themselves in order to save the money to build an empty little villa in a place that they’ll hardly visit (or live in at all events). That little scam has been going on for far too long.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^^ Was not really being harsh to him. I sort of guessed that his question was a rhetorical one. Just felt like a rant, saaxib, just felt like a rant.

Share this post


Link to post
Share on other sites

NGONGE, what's wrong with building a villa in your hometown? It don't stay empty for long, you know, relatives move in as soon as it's finished.

 

Am sure you're already saving for a little house in Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^^ To shell all that money for something that is not fully legal is utter and pure madness. My Villa when it’s built will be built in a place that is recognised and has a functioning government (Somaliland and Puntland have the latter and the rest of Somalia has the former).

 

ps

Save your money for now, Val. Buy yourself a three-bedroom house in Pataya (Thailand) for £21,000 (with Sea views and everything). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

There are SNM gang fingerprints all over the face of the victim. Probably she was shouting Laa Ilaaha Ilaa Laah, where are UIC troops. Thank you, Horn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Okay,listen up,no one has died,alot of people were injured by the stones they were throwing themselves.The only thing the Police has done thus far was to arrest those throwing the stones.

 

The women and men who were injured in this demostrations are all okay,they are being hospitalized as we speak...Insha Allah there won't be any further incidents along the way.

 

The whole thing started with the selling of medal scraps of the old cement factory in Berbera by the authority to some buyers abroad.That was the biggest reason that ticked the people off,thus lead them to express themselves in rather violent demostrations.Insha Allah, we hope calmness returns to Berbera.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this