Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Recommended Posts

Deeq A.   

f20522aa-06c8-4f98-a73c-1e992c7dda93.jpgMadaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo booqasho rasmi ah caawa ku tagay caasimadda jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti ayaa kulan la qaatay dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Kahor kulanka ayaa Madaxweyne Geelle waxa uu garoonka uga hortagay Madaxweyne Emmanuel Macron, isagoo halkaa ku soo dhaweeyay.

Madaxweyne Emmanuel Macron iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah ku joogi doona Jabuuti labo cisho, waxana madaxda wadankaasi uu kala hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan iyo labada shacab sida lagu qoray barta Facebook ee madaxweyne Geelle.

Berito ayaa lagu wadaa in ay dhacaan kulamo dheeraada, waxana aakhirka la filayaa in labada madaxweyne ay qabtaan shir jaraa’id oo ay ku faahfaahinayaan waxyaabaha laga wadahadlay.

Faransiiska ayaa taageero ka raadinaya wadamada geeska afrika kadib markii uu xumaaday xiriirka uu lalahaa dallalkii uu horey u gumeysan jiray ee ku yaala galbeedka qaarada afrika.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this