Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqoonyahan Iid Cali Salaan oo ka warbixiyay baabuur ay ku caawiyeen halgankii lagu xireeyay dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

img_2_1733742952723.webp

Mujahidintii iyo Baabuurtodii aan ka Dirnay Djibouti Una
Dirnay SNM Dagalkii Buuraha Dabadii 1985

Mudadii uu ururkii SNM dagaalka kula jiray dawladii kalitaliska ahayd ee Soomaaliya ee uu hogoominayay Siyaad Barre, dadka reer Jabuuti iyo dawladooduba waxay caawiyeen dadkii reer Somaliland. Dad badan oo reer Somaliland ah oo aan ka mid ahaa ayaa ganacsi midho dhal ah ka samaystay wadankaasi DJabuuti. Maalmahaasi iyo sanadaadaasi madaw Jabuuti may ahayn oo kaliya albaab u furan dadka Somaliland ku nool oo qudha ee waxa kale oo ay albaab u ahayd Mujaahidiintii SNM ee xaruntoodu ahayd Itoobiya. Maal badan ayay dadkii reer Somaliland ee laajiga ku ahaa Jabuuti u ururiyeen iyagoo markaasina ku dedaalay sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen Dawlada Jabouti inay taageero siiso urukii SNM.
SNM waxay gudo gashay weerar wayn bishii Oktober 1984kii weerarkaasi oo loo yaqaanay “Dagaalkii Buuraha”. Waa xaqiiq in dagaalyahano badan oo SNM ahaa ay ku naf waayeen dagaalkaasi, laakiin kalidii taliyihii awooda badnaa ayaa kumaan kun oo ciidamadiisa ah ku waayay dagaalkaasi, intii soo hadhayna way ka niyad jabeen inay la sii dagaalamaan SNM. Dagaalkaasi waxa uu dhisay niyadii iyo rajadii SNM waxaanu fursad u siiyay in SNM ay ka hesho khibrad khasaarahaasi wayn, inay si xoog ah isu urursadaan iyo inay xidhiidh la sameeyaan dadka reer Somaliland iyagoo ku guulaystay taageeradooda. Haseyeeshee wakhtigaasi SNM waxay ku jirtay tababar manayna haysan wax hub oo culus iyo gaadiid ah. Dagaalkaasi SNM waxay isticmaaleen lugahooda taasi oo ay ku galeen dalka gudihiisa. Tani waxay ahayd arin aad u adag inay ku dhiiradaan.

Hadaanu nahay kooxdii SNM ee joogtay Djibouti, waxaanu door wayn ku lahayn hawlgaladii SNM ee lagula dirirayay dawladii kalitaliska ahayd. Waxaanu maal iyo maskaxba gelinay hawladgaladii SNM gaar ahaan dhanka taakulaynta maaliyada iyo agabka kale ee ururku u baahnaa si uu u fuliyo hawlgaladii ka dhanka dawladii kacaanka. Bishii January ee sanadkii 1985, ayaa waxaa warqad deg deg ah aan ka helnay Mujaahid Colonel Aadan Shiine AHUN oo ahaa wasiirka ciidamada ee SNM. Mujaahid Colonel Aadan Shiine waxa uu warqada nosoo qoray ku sheegay in ay deg deg ugu baahan yihiin gawaadhida xamuulka ah si hawlgaladoodu u guulaystaan. Waxa kale oo uu ku xusay warqada in baahida gawaadhida ay xaqiiqsadeen kadib Dagaalka Buuraha (War of Mountains) ee ay la galeen ciidamadii dawladii kali taliska ahayd sanadkii 1984. Warqada waxaa Jabuuti iigu keenay Mujahid Xaaji Yaaxeen AHUN oo wakhtigaasi Jibuuti u yimid hawl caafimaad. Xaaji Yaaxeen intii uu ku sugnaa Jibouti, waxaa uu ila joogay gurigaya.
Mudadaasi aan halganka ku jirnay ee aan Jabuuti ku sugnaa, waxaan kala xidhiidhi jirnay hawlaha SNM Mujaahid Colonel Aadan Shiine iyo Mujahid Colonel Abdillahi Askar – Ilaahay labadoodaba ha u naxariistee – iyo Mujahid Colonel Moxamed Kahin. Kadib markii aanu helnay warqada ka socota Colonel Aadan Shiine AHUN ayaanu isla markiiba bilaabnay inaanu ka hawlgalno sidii aanu u raadin lahayn uguna diri lahayn gawaadhi xamuul xaruntii SNM ee Itoobiya. Qofkii ugu horeeyay ee iga aqbalay inuu gaadhigiisa u talaabiyo Itoobiya oo uu u geeyo SNM wuxuu ahaa Mujaahid Haybe Ismaaciil Nuux (Haybe Jeeni) AHUN. Waxaa kale oo ku soo biiray oo aqbalay dalabkayagii ahaa inay gawaadhidooda ula talabaan Itoobiya oo SNM kula hawlgalaan 16 kale oo Mujaahid oo markaa ku sugnaa Jibouti. Waxaan ku guulaysanay bishii April ee sanadkii 1985 inuu si guul ah ku hirgalo hawlgalkaasi aanu gawaadhida ugu diraynay ururkii SNM oo markaa saldhigoodu ahaa Itoobiya waxaanan u dirnay 17 Mujuahid iyo baaburtoodi. Warqada waxa ii soo qoray Mujahid Aadan Shiine, xidhiidhka SNM-na waxaa noo hayay Maxamed Kaahin Axmed.

Sidaas ayaanu ku geynay baabuurtaasi Diridhabe oo ay kaga qayb galeen halgankii SNM, arrintaana waxa naga caawisay Dawladda Jabuuti oo xiligaas uu adxweyne ka ahaa Alle ha u naxariistee Xasan Guuleed Abti-doon, waxaana si gaar ah arrintaa noo suurto galiyey Ismaaciil Cumar Geelle oo wakhtigaas haystay Intelligent-ka haddana ah madaxweynaha dalka Jabuuti .”

Todoba iyo tobankii (17) mujaahid ee gawaadhidaa u talaabiyay Itoobiya si guul ahna ugu geeyay SNM waxay ahaayeen:
1. Haybe Ismaaciil Nuux (Haybe Jeeni)
2. Aadan Cumar Cali Dheriq
3. Gaaxnuug Axmed Faarah
4. Cumar Cabdi Dhidar
5. Cali Jaamac Naaleeye (Cali Gaab)
6. Yaasiin Ismaaciil (Yaasin Xagato)
7. Saleeban Aadan (Cadaani)
8. Daahir Muuse Cali (Ismahaan)
9. Maxamed Faarax Barre (Cagataar)
10. Kayd Xirsi Dari
11. Cabdi Sheekh
12. Maxamed Warsame Faarah (Guray)
13. Xusseen Cabdi Jiir (Ciiraale)
14. Jaamac Cabdalle
15. Maxamed Salaam Carabey
16. Xusseen Dhuun Dheere
17. Muuse Buuxsade
Sanadkii 2006 ayaa mar aan Hargeysa imid, waxaan kulan Qado Sharaf yeelanay 7 ka mida 17kaa mujaahid anagoo wakhti fiicana wada qaadanay maalintaasi. Kulankaasi Qado Sharafka oo noogu qabsoomay hudheelka Xaraf ayaa waxaanu ka sheekaysanay sida hawlgalkaasi u dhacay.
17kaa mujaahid oo si geesimo leh hawlgalkaa u fuliyay waxaa hada ka nool intaan ogahay mujaahid Saleeban Aadan (Cadaani). Dhamaan intooda geeriyootay Allah (S.W.T) ha u naxariisto inta noolna Ilaahay cimri dherer iyo caafimaad ha siiyo. Gawaadhidaasi markay SNM heshay, waxay wax weyn ka tartay halgalnkii oo ay mooraalka iyo niyada mujaahidiinta kor u qaadey waxaana xusid mudan in hawlgalada SNM ay si xawli ah ku dhaqaaqeen.

Waa ayaanba ayaan Allahu Akbar Wa Lilahi Hamd.

Mujaahid Prof. Iid Cali Salaan Axmed

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this