MoonLight1 Posted May 17, 2009 Shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar oo bililiqaysanaya xarumaha maamulka iyo saldhigga magaalada. Kadib markii saacad kahor ay magaalada Jowhar la wareegeen xoogagga Al-shabaab ayaa waxaa magaalada ka dhacay isbadal dhanka maamulka ah. Dadweyne fara badan aya ku xoomay xarumaha maamulka, waxaana magaalada ka socota bililiqo xooggan, bililiqada ayaa ka socota xarumaha muhiimka ah ee magaalada sida xarunta maamulka, saldhigga Booliska iyo xabsiga magaalada. Qof goob jooge ah oo ku sugan magaalada ayaa xaqjiiyey bililiqada ay dadweynaha kula kacayaan xarumaha maamulka ee magaalada Jowhar. Wadooyinka magaalada ayaa waxaa lagu arkayaa gaadiidka dagaalka oo ay wataan xoogagga Al-shabaab kuwaas oo si raxan raxan ah u maraya waddooyinka. Maxaabiis ku xirneyd saldhigga magaalada iyo xabsiga ayaa oodda laga qaaday kuwaas oo ku eedaysanaa dambiyo kala duwan. Saraakiisha Al-shabaab kama aysan hadlin bililiqada ka socota magaalada Jowhar oo ay saacado kahor la wareegeen. Si kastaba ha ahaatee isbadalka ka dhacay magaalada Jowhar ayaa saameyn ku yeeshay magaalada, waxaana magaalada weli laga dareemayaa xiisad iyo kacsanaan. Boondheere.com Quote Share this post Link to post Share on other sites