Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kumee 4 qollo ee ku millankooda siyaasaddu uu halista ku yahay dalka ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii Soomaaliya waxay noqatay dal aan siyaasad ahaan iyo nabad-gelyo ahaan xasilloonayn, waxaana ka dhacay dagaallo sokeeye oo galaaftay nolosha kumaan dad ah, sidoo kale barakiciyay ama qixiyay malaayiin kale.

Dagaalkii jabhadu ay la galeen dowladdii kacaanka ayaa u xuub-siibtay colaad sokeeye oo isir ku salaysan, taas oo keentay kala irdhow bulsho oo wiiqay midnimadii dalka, illaa haatanna gundhigga u ah kala shakiga iyo is aaminaad la’aanta dadweynaha Soomaaliyeed.

Inkastoo bulshada Soomaaliyeed uu wacyigooda dhismay oo kala qoqobnaantii dhalashada ku salaysnayd ama kala qawaafkii qabyaaladda ku dhisnaa laga gudbay, haddana siyaasad ahaan weli dalku ma xasilloona oo hannaanka matalaadda qabaliga ah ayaa saamayn xooggan ku leh geedi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Haddaba maadaama xasilloonida siyaasadeed ee dalku ay weli nugushahay, midnimada iyo wadajirkuna ay dhibane u noqan karaan khilaaf kasta oo siyaasiyiinta ka dhex oogma, waxaan qormadan ku eegaynaa qeybo bulshada kamid ah oo haddii ay hannaanka maamul si taban ugu milmaan dhibaato baaxad leh horseedi kara, dhanka toganna wax weyn ka tari kara.

1) warbaahinta: ku dhex milanka warbaahinta ee siyaasadaha is diidan iyo tabinteeda erayada xanafta lihi waxay horseedi karaan kala dhantaalmid midnimo iyo kala fogaansho bulsho, waxaana tusaale inoogu si filan sidii war Raadiye laga baahiyay uu u horseeday dagaalkii Rwanda ee sababay mid kamida xasuuqyadii ugu xumaa ee ka dhacay dunida.

Warbaahintu waxay ku shaqaysa mabaadii’ dhexdhaxaadnimada iyo masuuliyaddu ay ugu horreeyaan, ogow oo masuuliyadda waxaa ugu muhiimsan ka taxaddarka saamaynta wararku ay yeelan karaan, maxaa-yeelay xittaa runta oo la soo badhigo ayaa mararka qaar dhibaato keeni karta.

Haddaba waxaa wanaagsan in warbaahinta rasmiga iyo baraha bulshaduba ay ka fogaadaan waxyaabaha dalka dhibaatada u keeni kara xasradaha siyaasadeed iyo kala qeybinta bulsho ay ugu horreeyaan, islamarkaana xogaha ay baahinayaan aanay ka eegin sugnaantooda ama run ahaantooda oo keliya ee ay qeymeeyaan saameyntooda.

2) Ciidanka: ciidanku waa ilaaliyaha midnimada dalka iyo bedqabka dadkoo dhan mucaarad iyo muxaafid, sidoo kale waa mid kamid ah tiirarka aas-aaska u ah hannaanka dowliga ah, sidaa darteed inay ku dhex milmaan siyaasadaha is diidan ee gudaha dalka ayaa loo arkaa halista ugu weyn ee xasilloonida dalka saamaynta ku leh.

3) Culumada: culumada waxay gundhig u yihiin toosinta caqiidada iyo hab-fakarka bulshada, waxaana lagama maarmaan ah inay dhexdhaxaad noqdaan oo ay xaqa siduu yahay u sheegaan, sidaa darteed in culumada ay xasradaha dalka ka oogan qeyb noqdaan ayaa horseedi karta kala qeybsanaan dadweyne iyo qulqulatooyin xasilloonida lid ku ah.

4) Odayaasha dhaqanka: waxgaradka bulshada iyo odayaasha dhaqanku waxay kaalin togan ku leeyihiin hagaajinta arrimaha bulshada, u kala dab-qaadidda dhinacyada ku lugta leh xasradaha siyaasadeed, qaboojinta colaadaha, iyo howlo kale dalka muhiim u ah, balse inay siyaasadda si taban ugu lugyeshaan ama ay shaar qabiil u galiyaan dhacdooyinka dalka ka dhacaya ayaa keeni karta xasillooni darro iyo kala irdhow dadweyne.

Haddaba dhammaan qeybahaas bulsho oo kaalin wax ku ool ah ku leh dowlad dhiska dalka, ayaa haddii ay dhinaca taban u shaqeeyaan dalka iyo dadkaba dhibaato u horseedi kara, sidaa darteed waxaa la gudboon inay dareen masuuliyad xambaarsan ku wajahaan la falgalkooda dhacdooyinka dalka ka socda sida ay qabaan xeeldheereyaashu.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this