Liibaan Posted October 9, 2007 Baaqii Golaha Issimada Sool Sanaag iyo Cayn Golaha Isimida *********** Date: 3/10/2007 Ku: Dawladda Federalka Soomaaliya Ku: UN Security Council Ku: OAU OG: Hay'addaha Caalamiga Ah Iyo Kuwa Maxalliga OG: Maamul Goboleedka Puntland OG: Maamuulka Somaliland3 Ujeeddo Go'aanka Isimada *********** Annagoo ah Dhammaan Isimada ------- waxaanu kulan ku yeelanay maanta oo ay taariikhdu tahay3/10/2007 magaalada Laascaanood, waxaan kaga wada hadalay weerarka qaawan ee ay dhulkayaga ku soo qaadeen maamulka Somaliland, waxaana Go'aan sanay in aan dhulkayaga difaacno iskana celino maamulka Somaliland ee wada weerarka gardarrada qaawan ee dhul-ballaadhsiga ah, waxii khasaare ah ee ka yimaadda ay mas'uuliyaddooda iyagu qaadi doonaan, gobolada Sool Sanaag & Cayn waxay ka mid yihiin maamulka goboleedka Puntland. Haddaba waxaan caalamka u soo jeedinaynaa in maamulka Somaliland lagu boorriyo inay ciidankooda kala baxaan dhulkayaga ay muddada dheer gardarrada ku haysteen, maaha markii ugu horraysay ee maamulka Riyaale uu dagaal ku sooqaado dhulkayaga, hase yeeshee anagoo dulqaad iyo daris wanaag muddo dheer tixgalinaynay & inaan dagaal sokeeye degaankan ku soo noqon ayaanu u dulqaadanaynay. Sidaa daraaddeed waxaa naga go'an markan in aan is difaacno oo aanu nagu hadhin dulqaad dambe. Magacyada Isimada:- 1)Garaad Jaamac Garaad Cali 2)Garaad Saleebaan Garaad Maxamed 3)Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed 4)Garaad C/laahi Garaad Soofe 5)Garaad Abshir Saalax 6)Ugaas C/laahi Ciise Nuur 7)Suldaan Siciid Cali 8)Garaad C/salaam Xasan 9)Garaad Cali Buraale 10)Boqor C/laahi Dabagooye 11)Garaad Saleebaan Buraale 12)Ugaas Faarax X.. Maxamuud Axmed cabdi Laahi Afnugaal.com Laasacaanood Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted October 9, 2007 Jaalliyadda SSC Ee UAE Oo Taageertay Bayaankii Difaaca Ahaa Ee Ay Soo Jeediyeen Garaaddada *********** Oct 08, 2007 By:Jidbaale Desk News Musafah(Jidbaale.com):- Guud ahaan shacab weynaha Puntland ee ku dhaqan waddanka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa si diirran u soo dhaweeyay go'aankii kama dambeysta ahaa ee Garaadda *********** go'aamiyeen ee ka turjumayay Difaacaa Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn. Go'aamadan ayaa soo baxay wakhti ku habboon loona baahnaa, waxaana soo dhaweeyay shacab weynaha Reer Puntland gaar ahaan Shacab weynaha *********** ee ku dhaqan dibadda iyo gudaha Dalka Soomaaliyeed. Dhulku waa qaali, difaaciina waa lagam maarmaan, guud ahaan waxaa la gudoonsaday in loo istaago difaaca goboladda lagana badbaadiyo garadda iyo weeraradda aan geedna loogu soo gaban ee ay soo qaadayaan beelaha ku abtirsada maamulka Hargeysa fadhigiisu yahay. Fikirkan waxaa soo dhaweeyay si weyna u taageeray, dhammaan Jaalliyadahan Hoos ku qoran, 1) Jaalliyadda SSC ee Musafah 2) Jaalliyadda SSC ee Abu Dhabi 3) Jaalliyadda SSC ee Al Ain 4) Jaalliyadda SSC ee Dubai 5) Jaalliyadda SSC ee Sharjah 6) Jaalliyadda SSC ee Ujman 7) Jaalliyadda SSC ee Ras Al khemah Iyo Jaalliyadda Guud ee Beelaha SSC ee Isutaga Imaaraadka Carabta Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted October 9, 2007 Jaaliyadda SSC ee Dalka Norwey Oo Taageertay Bayaankii Issimada *********** Oct 08, 2007 By: Oslo(Jidbaale.com):-Bayaan ka soo baxay jaaliyadda ssc eek u dhaqan dalka NOrwey ayaa wax si buuxda loogu taageeray Baaqii ay dhawaan magaalada Laascaanood ka soo saareen Issimada ssc, bayaankaas oo loogu digay Malayshida beelaha Waqooyi galbeed. Bayaanka ayaa u qornaa sida tan. Ku. Issimada SSC Ku. Bulshada SSC Dibadda iyo Gudaha. Ujeeddo Tageero Bayaankii Issimada SSC ka Soo Saareen Xaaladda Gobolka. Annaga oo ah dhamaan Jaaliyadda ssc ee ku dhaqan dalka Norwey waxaanu si isku duubni ah oo diiran u taageeryanaa go’aankii dhaxalka ahaa ee ay qaateen Dhamaan Issimada SSC iyaga oo aan u kala hadhin, waxaanuna leenahay wuxuu ahaa go’aankaasi mid ku habboonaa wakhtigiisa. Waxaanuna ku boorinaynaa dhamaan bulshada SSC meelkasta oo ay joogaan in ay isgarab taagaan go’aankaas ay issimadu gaadheen sidii loo fulin lahaa, isla markaana dhulka loo difaaci lahaa guntiga dhiisha layskaga dhigo, naf iyo maal intabana loo huro. Waxaanu ugu danbayntii digniin u soo jeedinaynaa malayshiyda iyo maamulka hargeysa ee u hanqal taagaya deegaanka SSC in ay isku sii dayaan in ay ku sii negaadeen deegaanka SSC, Taas oo wixi ka yimaada cawaaqib xumadiisa ay iyagu dhabarka u ridan donaan. Wabbilaahi tawfiiq. Jaaliyadda SSC ee Dalka Norwey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted October 9, 2007 Golaha Badbaadinta Gobalada Sool, Sanaag Iyo Cayn ; Taageero Go,aankii Isimada SSC. Oct 09, 2007 By: Ku Isimada Gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn Ku Dadweynaha Goblada Sool Sanaag iyo Cayn. Ku Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Maamulka Puntland. Og Dawladda Dhexe Ee Fedaraalka Ah. Guddoonka Golaha Badbaadinta ee Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn,isagoo ku hadlaaya afka Golaha, shir degdeg ah uu yeeshay [ teleconference ] maanta oo bisha October tahay Sideed, wuxuu; - Si buuxda u taageeray Go,aankii Isimada Gobolada SSC. - Waxaannu Isimada ku waafaqnay in dulqaadkii Dadweynaha Gobolada SSC. gudaha iyo dibedaba uu ka dhamaadey - Wuxuu Golahu ku qanacsanyahay in dhinaca kale [ Maamulka Woqooyi Galbeed ] garan waayey in nabad gelyo lagu wada noolaado, oo uu kibir, tacadi iyo falal fool xun ku hayey shicbga uu dhulkooda sharci darrada ku deganaa, in badanna Adduun Weynaha u sheegaayey inuu soo xiraayo Xuduud aanu lahayn awoodna u hayn. - Wuxuu Golaha iyo dhamaanba Qurba joogta u dhalatey Gobalada SSC u sheegayaan Isimada iyo Dadwynaha, inaanu hoo iyo hiilba idinla barbar taaganahay sidii dhulkeena loo difaaci lahaa. Guddoonka Golaha Badbaadinta Gobalada SSC. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted October 9, 2007 Jaalliyadda SSC London UK Oo Taageertay Bayaanka Issimadda SSC Oct 09, 2007 By:Jidbaale.com UK(Jidbaale.com);-Odayaasha iyo Guddiga Jaalliyadda SSC London .UK, waxay si buuxda u taageerayaan, Go'aanka Issimada SSC ee taariikhdiisu tahay 3/10/2007 kuna saabsan sidii laysaga difaaci lahaa Weerarka gardarada ah ee maamulka Waqooyi Galbeed ku soo qaadeen Gobolladda Sool Sanaag iyo Cayn . Waxaan halkan ka caddeynaynaa In Odayaasha iyo Guddiga Jaalliyadda SSC London UK Shir ay yeesheen 07/10/2007, kuna go'aansadeen in ay taageersanyihiin bayaanka Issimada . Isla markaasna ay la garab taaganyihiin dadweynaha SSC taageerro hiil iyo hooba , sidii maleeshiyada Ina Riyaale looga saari lahaa degaanka SSC oo ay faduul ku soo galeen . Loona sugi Lahaa Xuduudaha Puntland. Waxay markale Jaalliyadda SSC London UK caddeynaysaa innu dhamaaday dulqaadkii dadweynaha SSC. Guddiga Jaalliyadda SSC London UK London Quote Share this post Link to post Share on other sites