Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi sare oo ka socda Maraykanka oo tagaya Dimishiq si ay ula kulmaan Axmed Al-Sharci (Abuu Maxamed Al-goolaani)

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida uu sheegay website Axios kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka ee Bariga Dhexe Barbara Leaf ayaa lagu wadaa in ay tagto caasimadda Suuriya ee Dimishiq maalmaha foodda nagu soo haya.

Tan ayaa noqon doonta boqoshadii ugu horreysay oo sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arimaha dibadda ee Maraykanku ku tago dalka Suuriya muddo sanado ah.

Booqashadan ayaa imaanaysa iyadoo ay socdaan dadaallo lagu cusboonaysiinayo xiriirka dublamaasiyeed ee Maraykanku la leeyahay xukuumadda kmg ah kadib ridistii xukunkii Bashaar Al-Asad.

Wargaysa Financial Times ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray in wafdigu la kulmi doono hoggaamiyaha hay’adda guud ee howlgaladda milatari Axmed Al-Sharci oo horey loogu yeeri jiray Abuu Maxamed Al-goolaani, waana xiriirkii ugu horreeyay ee dhexmara Maraykanka iyo hoggaamiyayaasha cusub ee Suuriya.

Xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka Anthony Blinken ayaa sheegay in dawladdiisu ku lug yeelan doonto xiliga kala guurka ee dalka Suuriya.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this