Sign in to follow this  
Deeq A.

Firdhiye oo lagu eedeeyey inuu diiday wadatashi ku saabsan Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   
1000016743.jpg?resize=720%2C480&ssl=1Firdhiye kuma baaqin wadatashi ku saabsan xaaladda Ceerigaabo.

Laascaanood (Warka PP) — Hoggaamiyaha maamulka SSCK Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) ayaa lagu dhaliilay inuu abaabuli waayay wadatashi ku saabsan Ceerigaabo
si loo dhowro baaq nabaddeedkii ay odayaasha SSCK soo saareen dhowr bilood ka hor. Kala-shaki baahsan ayaa soo kala dhexgalay madaxda maamulka SSCK kaddib markii ciidan beeleed aan maamulka hoos imanin isku dayeen inay weerar ku qaadaan Ceerigaabo.

“Firdhiye wuu og yahay in siyaadadda SSCK ku salaysan tahay is difaac iyo in aan la weerarin degmo ama tuulo dad Soomaaliyeed ku nool yihiin” xubin hore oo ka tirsanaa guddigii 33 ayaa sidaas ku dooday.

1000016744.jpg?resize=720%2C480&ssl=1Maxamed Cabdi (Shiine) ayaa soo jeediyay in maamulka SSCK qaato kabka maamulka Puntland uu ballanqaaday.

Maamulka SSCK waxaa soo foodsaartay is afgarasho la’aan ku saabsan maamulista yabooha qurbejoogtu soo dirto. Waxaa Firdhiye lagu eedeeyay inuu siyaasadda amniga u gacangeliyay qurbejoog in colaad ay sii socoto dan u aragta. Waxaa kale oo jirta in Firdhiye iyo hoggaamiye ku xigeenka SSCK Maxamed Cabdi (Shiine) loollan adag ka dhex socdo. Dad badan ayaa aamminsan in waxa la isku hayo yahay dakhliga qurbejoogtu soo diraan maadaama Firdhiye diiday in maamulka SSCK qaato kabka uu Maamulka Puntland ballanqaaday inuu bixinayo. Hoggaamiye ku xigeenka SSCK ayaa soo jeediyay in maamulka SSCK qaato kabka maamulka Puntland uu ballanqaaday.

Waxaa soo baxaysa in hoggaanka SSCK ay ku adkaatay maareynta kooxaha ku loollamaya jiheynta siyaasadda amniga ee maamulka. Ma cadda in madaxdhaqameedka SSCK ku baaqi doonaan wadatashi si loo xakameeyo wadatashi la’aanta muujinaysa in kalsoonida hoggaaminta Firdhiye lagu qabo ay hoos u sii dhacayso.

© Puntland Post, 2024

The post Firdhiye oo lagu eedeeyey inuu diiday wadatashi ku saabsan Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this