Sign in to follow this  
Deeq A.

Suldaan Cabdisalaan oo maamulka SSCK kaga aragti duwanaaday xaaladda Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   
1000016587.jpg?resize=624%2C429&ssl=1Maamulka SSCK kalama tashanin Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud xaaladda Ceerigaabo.

Badhan (Wararka PP) — Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud ayaa sheegay in beeshiisu ay degto dhowr degmo ka mid ah Sanaag sidaas darteedna aysan habboobeyn in colaad siyaasadeed laga abaabulo Ceerigaabo. “Beesha East Sanaag Clan iyo maamulka SSC-Khaatumo iskuma oga in colaad ay ka dhacdo Ceerigaabo. Xadgudub ayaa ka dhacay Ceerigaabo iskugu jira dil iyo boob. Maamulka degmada gacanta ku haya ayuu saaran yahay waajibka in la dhowro nafta iyo dadka ku nool Ceerigaabo” ayuu yidhi mid ka mid ah la-taliyayaasha Suldaan Cabdisalaan.

Suldaan Cabdisalaan wuxuu si cad uga hor yimid in maamulka SSCK sheegto inuu metelo beesha East Sanaag Clan. Maamulka Somaliland ilaa hadda kama hadlin barikinta ka dhacday Ceerigaabo.

Waxaa baraha bulshada la soo dhigay muuqaallo muujinaya miliishiyada SSB ee Burco oo sheeganaya inay la wareegeen guryo ku yaalla Ceerigaabo oo ay leeyihiin beesha Suldaan Cabdisalaan. Gebi ahaanba degmada Ceerigaabo waxaa ka qaxay dadka beesha Harti ku abtirsada kaddib markii miliishiyo ka tirsan SSCK iyo miliishiyada maamulka Somaliland uu dagaal ku dhexmaray duleedka Ceerigaabo.

© Puntland Post, 2024

The post Suldaan Cabdisalaan oo maamulka SSCK kaga aragti duwanaaday xaaladda Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this