Sign in to follow this  
Jabhad

Muuse Suudi coming home to MOGADISHO.

Recommended Posts

Jabhad   

Hoggaamiyekooxeedkii Muuse Suudi Yalaxow Oo Yimi Hargeysa

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 5 January, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ahaa hoggaamiya-kooxeedyadii la baxay Isbahaysiga La-dagaalanka Argagixisada ee Maxkamadaha Islaamiga ahi ka qabsadeen Muqdisho June 2006, ayaa ku sugan magaalada Hargeysa oo uu soo gaadhey maanta.

 

Muuse Suudi Yalaxow waxa uu maanta ka soo degey gegida diyaaradaha ee magaalada Berbera, halkaas oo sida wararku sheegayaan saraakiisha ammaanka ee Madaarku ay ku qabteen markii ay aqoonsadeen.

 

Lama garanayo halka uu ka yimi, waxaase la filayaa inuu ka soo kicitimay Dubai, dalka Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, waxa aan caddayn ujeedada uu u yimi Hargeysa. Wararka qaar waxay sheegayaan in ciidanka ammaanka ee Madaarka Berbera ay u soo gudbiyeen Hargeysa, halka warar kalena ay sheegayaan in Suudi Yalaxow uu ku soo maray Somaliland socdaal (transit) uuna u sii jeedo magaalada Muqdisho oo uu ka baxsaday bishii June sanadkii hore, kadib markii dagaal kulul oo dhexmaray Isbahaysigiisa iyo Maxkamadaha Islaamiga ah lagaga adkaaday. Isla markaana uu ku yimi ogolaansho uu ka haysto xukuumadda Somaliland, waxaana la dejiyey hotel Maansoor.

 

Bishii hore waxa madaarka Hargeysa laga celiyey Kiimiko oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Muqdisho, isla markaana madax ka ahaa maamul-goboleed laga dhisay Gobolka Mudug sannadkii horeoo socoto ku soo maray Hargeysa, isagoo u sii jeedey dalka Jabuuti, waxayna xukuumaddu ku macnaysey celintiisa in aanay u ogolayn dalka hoggaamiya-kooxeedyada isku haya Soomaaliya.

 

Hoggaamiya-kooxeedyadii laga qabsaday magaalada Muqdisho ayaa dib ugu noqday magaaladaas, kadib markii ciidamada Itoobiya oo taageeraya dowladda Cabdillaahi Yuusuf ay weerar cir iyo dhul ah ku qaadeen Maxaakiimta Islaamiga ah, isla markaana ay ka safeeyeen koonfurta Soomaaliya oo ay in badan ka talinayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Qabqable Muuse Suud Yalaxow Oo Hargeysa Kusugan! Iyo Jabaq la’aanta Xukuumada Rayaale iyo Kulankii Gudoomiyaha Xisbig Mucaaridka ee UCID Eng, Faysal

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

(muuse Suudi Yalaxow)

hadhwanaag 2007-01-05 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Qabqable Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ahaa qabqablayaashi dagaal ee meelo ka mida magaalada Muqdisho ka talin jiray ayaa maanta duhurnimadii ka soo degay gegeda diyaaradaha ee Cigal International ee magaalada Hargeysa.Kadib markii ay dayuuradii ka soo qaaday Abuday ay sheegtay inaanay tageyn muqdisho.

Muuse Suudi Yalaxow oo degen Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaanay cadeyn u jeedada socdaalkiisa uu ku yimi magaalada Hargeysa,balse waxa la sheegay inuu transit ku yahay magaalada Hargeysa una sii dhaafidoono muqdisho.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng, Faysal Cali waraabe iyo xubno ka mida xisbiga UCID ayaa kulan casho sharafa oo qaatay dhowr sacadood ku ku yeeshay Hotel Ambassador ee uu degenyahay, Kadib ayey shabakada wararka ee hadhwanagnews.com kula xidhiidhay khadka Mobilka oo ay wax ka weydiisay Eng, Faysal Cali Waraabe waxyaabaha ay ka wada hadleen Muuse Suud Yalaxow, waxaanu sheegay Faysal inuu ka la hadlay Xaalada Soomaaliya ka taagan wakhtigan iyo Ciimada shisheeye ee lakeenayo Soomaaliya, waxa intaa raaciyey Inaanay dawlada Embegati ee uu Madaxweynaha ka yahay C/laahi Yuusuf aanay ahayn dawlad wada hanankarta wadanka, Ayuu yidhi Faysal

 

Sidoo kale waxa uu sheegay Md, Faysal Cali Waraabe inay isla soo qaadeen Qabqable Muuse suud Yalaxow oo uu sheegay Ciimadii caawinayey Ciimadii Ethiopianka ee ka caydhiyey magaalada muqdisho Maxkamadihii islaamiga ee mudada yar gacanta ku hayey magaalada ayaa waxa uu tilmaamay inaanay ahayn Ciimado ay soomaalidu u wada dhan tahay, ee waa ciidamo ay isxigeen C/laahi Yuusuf Ayuu yidhi Faysal

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal kale oo uu tilmaamay inay isla soo qaadeen Muuse Suudi sidii loo qaban lahaa shir-dib u heshiisiineed oo ay u koonfurta oo dhami u dhan yihiin la qabto oo ay iska saaraan xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee Shirka ka burburin karaa.

 

Waxa kale oo uu tilmaamay Fayssal Cali waraabe wixii ay Somaliland uga baahdaan aan la qabandoono.Macada inay xukuumada Somaliland la kulantay Qabqable Muuse Suud Yalaxow, laakin sida la sheegay inay iyadu ka danbeysay inuu ku dego Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.

 

Waxa kale oo la sheegay inay la kulmeen Qabqable Muuse Suudi Gudoomiyaha Golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi, Xildhibaan Khadar Aadan Xuseen oo ah mulkiilaha Hotel Ambassador, Gudoomiyaha Golaha deeganka Hargeysa Eng, Xuseen

Maxamuud Jiciir

 

Muuse Suudi oo ka mid ahaa qabqabklayashi dagaal ee ka talin jiray magaalada Muqdisho ee ay maxaakiimta islaamugu ka caydhiyeen magaalada muqdisho, isagoo markaas baxsad ku tagay Caasimada Yugandhana ee Kambala. halkaas oo isaga iyo Qabqable Bashiir Raage lagu xidhay.

Waa marki ugu horeysay ee uu wadanka yimaado Qabqable Muuse Suud Yalaxow

 

Weriye, Mustafe-janaale

Reporter Hadhwnaagnews.com/Hargeysa

E-mail, janaale94@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ha, this is quite vicarious. The so called government is doing nothing whatsoever to prohibit these individuals from coming to Mogadishu. They have done the opposite and invited them. They are more than eager to give them a sit in parliament and a solid position in Mogadishu. Somehow, this is good let all the Warlords unite under the banner of atrocity against the Somali people starting from Yeey to Muuse suudi, they will all be equally judged and they will suffer the consequences when their day comes.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Welcome back Muuse Suudi Yalaxow, you have been missed by your friends.

 

I am sorry Wasiirka Ganacsiga Al Xaaji Muuse Suudi Yalaxow (that is your real title).

 

 

P.S did you see Amin Amir's cartoon depicting Qanyare and Maxamed Dheere?

Share this post


Link to post
Share on other sites

so who the hell this loser? and what has done for somalida? sounds like another worlord happy to claim back his sector with the help of his ethio masters?

 

lord have merci! what happened to raganimadii somalida...!

 

where is xawaa taako when you need her? guess current ones r busy jigging with aboowee jack-- this is somali slang 4 niggas incase u got no clue about this terminology!!

 

forget about faraaxs freeing their country... nowadays, they house niggas!! Yessam!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this