Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Ruushka oo qabtay nin ku eedaysan dilkii Jeneraal Igor Kirillov

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1734586884541.jpg?resize=720%2C47

Sirdoonka Ruushka ayaa gacanta ku dhigay nin lagu magacaabo , Kurbonov Akhmajon oo ah 29 jir u dhashay dalka Uzbekistan, kaasoo ay ku sheegeen inuu ka qeybqaatay howlgalka lagu dilay sarkaalkii u sarreeyay militariga Ruushka qeybta kiimikada iyo ka hortagga shucaaca nukliyeerka ee Jen. Igor Kirillov oo dilkiisa loo adeegsaday walxaha qarxa oo lagu qarxiyay albaabka dhisme ku yaalla Moscow.

Hay’adda FSB, oo ah hay’adda lagu beddelay KGB markii uu burburay suufiyeetkii , ayaa warbixinta ka soo baxday waxaa lagu sheegay ninka la qabtay inuu howlgalka ku qaatay Boqol kun oo dollar ($100,000) iyo baasaboor dal Yurub ah oo aan la magacaabin , balse waxaa la qabtay inta uusan baxsan, wallow aan la soo bandhigin sharraxaad intaa ka badan.

Dilka sarkaalkan sare ee Ruushka oo dhacay Talaadadii , ayaa si dhaqso ah waxaa u sheegtay sirdoonka Ukraine oo ka hor inta aan dilkan la geysan 24 saac ka hor ku eedeyay inuu bixiyay amarka howlgallo loo adeegsaday hubka kiimikada oo ka dhacay gudaha dhulka Ukraine, iyagoo markaa ku sheegaya dambiila wajahaya cawaaqibka weerarrada uu ka geystay Ukraine.

PUNTLAND POST

The post Sirdoonka Ruushka oo qabtay nin ku eedaysan dilkii Jeneraal Igor Kirillov appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this