Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar oo xoolo ku wareejiyay Ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Carmo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1734583338955.jpg?resize=720%2C48

Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar, oo ay weheliyaan odayaal nabadoono ah ayaa 250 oo ari ah ku wareejiyay ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo ay weheliyaan Duqa Degmada Bandar-Bayla, iyo Nabadoono ayaa xoolahan ku wareejiyay ciidamada difaaca Puntland.

Xoolaha waxaa mas’uuliyiintaasi kala wareegay Wasiirka Amniga Puntland Xaaji Baakiin, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Puntland Yuusuf Maxamed Wacays, iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, Cabdirisaaq Cabaade.

Madaxda ayaa uga mahadceliyay degmooyinka Qardho, Shaxda, iyo Bandar-Bayla oo ku taageeray ciidamada difaaca Puntland xoolahan. Sidoo kale, waxay ka codsadeen degmooyinka kale in ay garab istaagaan ciidankooda.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar oo xoolo ku wareejiyay Ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Carmo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this