Deeq A. Posted December 18 Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb-galay xil wareejinta agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow). Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hoggaanka cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda looga fadhiyo sidii baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida. “Agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay kamid tahay hufnaanta hay’adda, maadaama ay tahay mid kamid ah hay’adaha ugu sarreeya ee bixiya adeegga bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxa uu intaas kusii daray ra’iisul wadaafaha oo ka hadlayey munaasabaf uu xilka kula wareegayay agaasime Mustaf Dhuxuloow, “Hay’adda waa halka ay cid walba ka eegayso adeegga ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed, waana mid looga fadhiyo inay sameysi horumar ballaaran.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda shaqadii muhiimka ahayd ee uu dalka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey. Sidoo kale wuxuu agaasimaha cusub ee xilka la wareegay kula dardaarmay in uu dadaalkiisa galiyo horumarinta iyo tayeynta adeegga ay hay’addu bixiso, gaar ahaan sidii baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida. Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo ah hay’ad muhiim ah ayaa kal hore noqotay xudunta musuq-maasuqa, iyadoo xukuumadda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ay tan iyo markaas dadaal badan ku bixineyso sidii hay’addan u noqon laheyd mid muraayad u noqota dalka. Share this post Link to post Share on other sites