Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan doorashooyin qof iyo cod ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1734497721453.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, isla markaana uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee caawa xilka la wareegay noqon doono kii ugu danbeeyey ee ku yimaada magacaabis.

“Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hoggaankii matali lahaa, waxaana rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlayey munaasabadda uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo bulshada Gobolka Banaadir, uuna sii wado dadaallada lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adeegyada bulshada ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale shaqooyinkii uu ka qabtay Amnuga iyo Horumarinta Muqdisho mudadii uu xilka hayay.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan doorashooyin qof iyo cod ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this