Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Villa Somalia ku eedaysay in ay furin dagaal ka furayso degaanno ka tirsan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1734527759478.jpg?resize=720%2C54

Shir ku saabsan amniga gobolka Mudug oo ay ka qayb galeen xubnaha guddiga amniga gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in Shirka looga hadlay xaalada guud ee ammaanka Gobolka sida argagixisada, faragalinta Dowlada Federaalka ah ay ku haysa Shacabka gobolka Mudug, tuugada, dhaca gaadiidka, isu socodka dadka iyo gaadiidka u kala goosha xaduudaha iyo dalka intiisa kale, tahriibta iyo dib u heshiisiinta.

“Waxaa aad loogu dheeraaday dib u heshiisiinta beelaha Gobolka ayadoo laga warbixiyay meesha ay marayaan wadahalada socda iyo kala waxaa kaloo ayadana aad loogu dheeraaday hoos u dhaca tuugada iyo sidii loo baa bi’in lahaa inta ka hartay sidoo kale waxaa la isla qaatay qorshe lagu xakamaynayo gaadiidka ka baxa soona gala guud ahaan gobolka sidii loo koontarooli lahaa waxa ay wadaan dad iyo duunyaba” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug.

“Shirka ayaa la isla qaatay in laga digtoonaado farafaraynta ay Dowlada Federaalka ah ku hayso gobolka Mudug ayadoo hub iyo agab ciidan kusoo guraysa gobolka si ay u huriso colaad beeleedyo hor leh una dhantaasha midnimada shacabka reer Puntland ayadoo adeegsanayo xeelado iyo lacago la isaga horkeenayo shacabka reer Puntland.”

“Guddiga amniga gobolka ayaa shacab ka reer Puntland gaar ahaan kuwa gobolka mudug uga digaya hagardaamooyinka ay dawlada fardaraalku ku wiiqayso midnimadooda cid walba oo ku gacansiisa Dowlada Federaalka ah iska horkeenka shacabka gobolka Mudug waxaa laga qaadayaa talaabo sharci ah oo shacab iyo dawladba aan ku midaysanahay.”

“Sidoo kale Dowlada Ferderaalka ayaa doonaysa inay dhabarjabin ku samayso dadaalada looga hortagayo argagixisada gobolka Bari ayna doonayso inay furima hor leh ka furto gudaha Putlanad gaarahaan gobolka Mudug” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in Shirka uu kusoo dhamaaday si wanaagsan laguna heshiiyay in hay’addaha amaanku iska kaashadaan sidii ay uga wadajiri lahaayeen shaqada amniga dadka iyo dalkana loogu adeegi lahaa si daacad ah.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo Villa Somalia ku eedaysay in ay furin dagaal ka furayso degaanno ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this