Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cirro oo kulan la yeeshay golayaasha qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1734444149263.jpg

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa uu shalay kulan degdeg ah uu la qaatay Guddoomiyeyaasha labada shir-gudoon ee aqalka Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Prof, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

Kulankan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada, ayaa ka dhacay xarunta qasriga Madaxtooyada.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare, Garyaqaan Adam Xaaji Cali Axmed.

Madaxweynaha, ayaa waxaa uu uga mahadnaqay Guddoomiyeyaasha, ka wada shaqaynta danaha qaranka dalka Somaliland.

Kulanka, ayay Madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha kaga arrin sadeen sidii tallo qaran looga yeelan lahaa shaqaaqooyinka ka dhacay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag iyo sidii xasiloonida bulshada loo adkayn lahaa.

Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu Hay’addaha Qaranka ee sharci dejinta iyo Garsoorka u balan qaaday inuu la yeelan doono wada shaqayn dhaw

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this