Deeq A. Posted December 18 Allaha u naxariistee waxaa dhowaan dalka Neterland ku geeriyooday Shiikh muuse Shiikh Nuur Shiikh Muuse Ibraahim (Shiikh cadde) oo ka mid ahaa culumada waaweyn ee Soomaaliyeed, islamarkaana muddo dheer ku howlanaa faafinta diinta Islaamka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida shiikha ayaa tilmaamay inuu kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay wax-barista, wacyi-gelinta, waaninta iyo faafinta cilmiga shareecada ee geyiga Soomaaliyeed, isagoo xusay inuu dhaqan wanaagsan ku suntanaa. Shiikh Muuse Cadde oo muddo dheer ku howlanaa fidinta diinta Islaaamka ayay dadka si feecan u yaqaani ku tilmaameen inuu ahaa caalim aftahan ah oo aan aragtidiisa diimeed iyo caddaynta mas’alooyinka shareecada la gamban.. Shiikha oo qoys culumo ah ka soo jeeda ayaa yaraantiisii bartay culuumta diinta Islaamka, wuxuuna 70-tameeyadii qarnigii tagey tagey illaa sanadkan oo uu geeriyooday ahaa caalim faafinta diinta Islaamku ay tahay howshiisa koobaad. Xilligii dowladdii kacaanka wuxuu kitaabo ka akhrin jirey masaajiddu ku yaalla magaalada, gaar ahaan Suuq-bacaad, burburkii ka dibna wuxuu sanadkii 1994 guddoomiye ka noqday maxkamaddii Islaamiga ahayd ee uu aas-aasay Shiikh Cali dheere. Shiikha ayaa sanadihii la soo dhaafay ku noolaa dalka Holand, wuxuuna dalka ka tagey sanadkii 2009-kii ka dib markii uu hanjabaado kala kulmay kooxda Al-shabaab, maadaama aanu fakirkiisa marnaba la gamban jirey, islamarkaana diintu waxa ay qabtu uu bulshada u caddayn jirey. Allaha u naxariistee Shiikha ayaa si gaar ah loogu xasuustaa faafinta Siirada Nabiga NNKH oo uu dadka bari jirey, waxaana geerida Shiikha masuuliyiin dowladda ka tirsan iyo culumo awdiinka Soomaaliyeed intooda badan. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites