Deeq A. Posted December 18 Hargeysa (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Somaliland ayaa waxaa looga hadlay dagaalka ka socda magaalada Ceeribaabo oo ay ciidamadooda kula jiraan kuwa SSC-Khaatumo, kaas oo qaatay maalmo badan. Somaliland ayaa sheegtay in guul wayn ay ka gaartay dagaalka, waxayna hambalyo iyo boggaadin u dirtay ciidamadeeda dagaalka kula jira kuwa SSC-Khaatumo. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in dagaalkii shalay dhacay jab culus lagu gaasiiyay ciidamada SSC, oo iyagu weerarka soo qaaday, sida lagu xusay warsaxaafadeedka, Waxaa kale oo ay Somaliland shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay mar kasta heegan ugu jiraan is difaacid, haddii lasoo weeraro, ayna ka hortagi doonaan cadowgooda. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;- Hargeysa-18-12-2024() Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay hambalyo iyo boogaadin u diraysaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, jabkii ay gaadhsiiyeen kooxaha huwanta ah ee shalay gelinkii danbe weerarka ku soo qaaday fadhiisamada Ciidanka Qaranka ee bariga Magaalada Ceerigaabo. Wasaaraddu waxay si wayn u boogaadinaysaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo markasta u taagan difaaca Qarannimada iyo xaqiijinta Amniga guud ee dalka, Ciidamada Qaranku waa naftood hurayaal waxayna shalay Qaranka u soo hooyeen guul wayn, waxayna cadawga tuseen in cidkasta oo u soo haqal taagta waxyeelaynta Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland in ay la kulmayaan tallaabo aanay mahadin. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u taagan tahay oo astaan u ah nabad, horuumar, Dumuqraadiyada iyo himilooyinka lagu xaqiinayo halka Qarankani higsanayo, balse Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland marnaba gorgortan ka gelimayso waxkasta oo taabanaya ama waxyeelaynaya Qarannimada, wada jirka Bulshada iyo amniga guud ee Dalka. Share this post Link to post Share on other sites