Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo Baydhabo gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Xubnaha Wafiga oo ka kooban Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS,Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Mudane Ilyaash Sheekh Cumar, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Faysal Aadan Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa Waxaa kusoo dhaweeyay garoonka shaati gadiid ee Magaalada baydhabo Xubno ka socda bahda Cadaaladda Koonfur Galbeed oo uu horkacayay Wasiirka Cadaaladda Maamulka Mudane Cabdulqaadir yuusuf Cabdi nuur.

Ujeedka safarka ayaa ah ka qeybgalka xafladda howlgelinta xabsiga cusub ee Baydhabo, howlgalinta xabsigan ayaa qeyb ka ah dadaallada dib-u-habeynta adeegyada Asluubta iyadoo la xaqiijinayo xuquuqda maxaabiista lana tayeynayo xarumaha lagu xannaaneeyo eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this