Sign in to follow this  
Deeq A.

Safaaradda Qatar ee dalka Suuriya oo maanta dib loo furayo

Recommended Posts

Deeq A.   
9575bb55-4842-4a87-855e-f19f0b689aa4_w40

Safaaradda Qatar ee dalka Suuriya ayaa dib loo furaya maanta oo Talaado ah waxaana ay billaabaysa howlaheeda shaqo, sida ay shaacisay dowladda Qatar, iyadoo diblamaasiyiinteeda ay booqasho ku tageen dalkaas, ayna la kulmeen dowladda KMG ahayd kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Bashaar Al-Asad.

“Qatar waxa ay ku dhawaaqaysaa in ay dib u bilaabayso shaqada safaaraddeeda dalka aan walaalaha nahay ee Suuriya oo bilaabanaysa Talaadada,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda Qatar.

Waxa ay sidoo kale magacaawday madaxa cusub ee howlgalka Suuriya, Khalifa Abdullah Al Mahmoud Al-Shariif.

Doha ayaa xirtay safaaradii ay ku lahayd Dimishiq, waxayna u yeertay safiirkeedii bishii July 2011, horaantii kacdoonka lagaga soo horjeeday xukuumadda Asad oo isu bedelay dagaal sokeeye.

Si ka duwan dalalka kale ee Carabta, Qatar marna dib uma soo celin xiriirkii diblomaasiyadeed ee Suuriya intii uu xukunka hayay Asad, kaas oo xukunka looga tuuray 11 maalmood kadib markii jabhadaha mucaaradka ay weerar culus ku qaadeen magaalooyinka waa weyn kadibna caasimadda Dimishiq.

PUNTLAND POST

The post Safaaradda Qatar ee dalka Suuriya oo maanta dib loo furayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this