Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeeyey inuu aasay taariikhda ka dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
1000016274.png?resize=734%2C545&ssl=1Senator Cabdi Ismaaciil Samatar: “Taariikhda ayaa nacaladda ummadda illowda taariikhdeeda.”

Muqdisho (Wararka PP) — Dr Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Senataor ka tirsan Aqalka Sare waxna ka dhiga Jaamacadda Minnesota ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu oggolaaday in Soomaaliya illowdo taariikhda kala dhexeysa Itoobiya. “Taariikhda ayaa nacaladda ummadda illowda taariikhdeeda” ayuu Senator Samatar yiri.

Senator Samatar wuxuu kale oo ku dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh qodob ka mid ah heshiiska Ankara oo faraya Soomaaliya inay qirto dhiigga Itoobiya, oo ka mid ah ciidammada nabad-ilaalinta, u hurtay Soomaaliya. “Waxay ku tusaysaa dadka shirka Ankara nooga qeybgalay inuu wax ku dhacay garaadkooda ama inay illoobeen wixii soo kala dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Su’aalo badan ayaa ka dhashay qodobkaas. Waxaa meesha laga saaray gaboodfalladii ciidammada Itoobiya ka geysteen Soomaaliya 2007-2009. Ciidammada Itoobiya waxaa Soomaaliya lagaga saaray heshiis dhexmaray Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde 2008 iyo ururkii Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya (ARS) iyo dowladdii ku meelgaarka ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.  

© Puntland Post, 2024

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeeyey inuu aasay taariikhda ka dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this