Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo kordhiyay waqtiga Hawlgalka la dagaallanka burcad-badeeda ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Midowga Yurub ayaa go’aansaday in la dheereeyo hawlgallada ciidamada badda ee ATALANTA iyo hawlgalka tababarka milatari ee EU (EUTM Somalia) illaa 28-ka Febraayo 2027.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii la sameeyay dib-u-eegis istaraatiiji ah oo ku saabsan siyaasadda amniga iyo difaaca guud ee Midowga Yurub ee ku wajahan Soomaaliya iyo Geeska Afrika, iyada oo la tixgelinayo xaaladda amni ee gobolka iyo soo laabashada weerarrada burcad-badeedda.

ATALANTA waxaa la aasaasay dhammaadkii 2008 si wax looga qabto weerarradii burcad-badeedda ee kusoo kordhay biyaha ku dhow Geeska Afrika.

Markii uu hawlgalku si rasmi ah u bilaabmay 2009, wuxuu ku hawlanaa digniinta, ka-hortagga iyo ciribtirka falalka burcad-badeedda iyo weerarrada hubaysan ee ka dhaca badaha.

Soo laabashada Burcad-Badeedda
Sanadka 2024 waxaa la diiwaan geliyay 19 weerar iyo 15 isku day shaki leh, iyadoo sidoo kale la tuhunsan yahay in dhowr weerar oo kale lagu qaaday doonyo iyo maraakiib yaryar oo aan la soo sheegin. Sidaa darteed, hawlgalka ATALANTA wuxuu sii wadi doonnaa ka hortagga khatartaas isa soo taraysa.

.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this