Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Guddida Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

Recommended Posts

Deeq A.   

1-scaled.jpg

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa dhaariyay Siciid Axmed Cabdikariin Maxamuud, oo laga bilaabo 15/12/2024 ka mid noqonaya xubnaha Guddida Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
Golaha Wakiillada JSL ayaa Maxkamadda Sare usoo gudbiyay codsi ay ku dalbanayaan, in mudane Siciid Axmed Cabdilaahi loo dhaariyo jagada uu dhawaan baneeyay Mukhtaar Cabdi Jaamac.
Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.
ALLAA MAHAD LEH
Ibraahin Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this