Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Colaadda Magaalada Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa ka walaac ka muujisay colaadda ka dhex aloosan beelaha walaalaha ah ee ku wada nool magaallada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Colaaddan oo socotay labadii maalmood ee ugu dambeeyey ayaa sababtay khasaarooyin ba’an oo ay ku jiraan dhimasho, dhaawacyo, iyo barakac dad badan oo deegaanka ah.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Waxa kale oo Wasaaraddu ku boorrisay Maamullada gobolka, Odayaasha dhaqanka, Culimada, Haweenka, iyo guud ahaan waxgaradka deegaanka inay u istaagaan dadaallada lagu joojinayo colaadda, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii xal waara oo nabadeed loo gaari lahaa.

Wasaaradda ayaa adkeysay muhiimada ay leedahay in xal nabadeed oo degdeg ah la gaaro, iyadoo la adeegsanayo wada-hadal iyo is-afgarad dhexdhexaad ah. Waxay sidoo kale ku dhiirrigelisay dhammaan qeybaha bulshada inay ka fogaadaan fal kasta oo sii hurin kara colaadda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this