Sign in to follow this  
Deeq A.

Cutubka 47-aad ee Ciidanka Badda ee Shiinaha oo Kusoo Wajahan biyaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Axaddii, ciidamo cusub oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Xoogga Difaaca Shiinaha ayaa ka ambabaxay deked militari oo ku taal Zhoushan, gobolka Zhejiang ee bariga Shiinaha, si ay ugu biiraan howlgalka ilaalinta maraakiibta ee ay wadeen ciidankii hore ee ku sugnaa Gacanka Cadmeed iyo biyaha u dhow Soomaaliya.

Cutubkan cusub oo ah cutubka 47-aad ee Ciidanka Badda Shiinaha, ayaa ka kooban markab burburin kara gantaallada, markab kale oo quuseya gantaallada iyo markab saadka u qaabilsan.

Ciidanka saaran ayaa gaaraya in ka badan 700 oo askari, waxaana lagu sii daray laba helikobtar iyo in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan ciidanka gaarka ah.

Kahor intaysan ka ambabixin dekedda, cutubkan ayaa tababaro muhiim ah ku sameeyay hawlgallada badbaadinta maraakiibta ganacsiga ee la afduubtay, ka hortagga argagixisada, iyo burcad-badeednimada.

Sidoo kale, tababarada ayaa xoogga saaray isticmaalka hubka casriga ah iyo xirfadaha dagaalka ee muhiimka ah si loo xaqiijiyo nabadgelyada biyaha caalamiga ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this