Sign in to follow this  
General Duke

Puntland leaders state no talks on SOOL,SANAAG CAYN+ Support for the decision

Recommended Posts

Lascaanod: Issimada Sool, Sanaag Iyo Cayn oo Bayaan Rasmi ah ka soo saaray Shir la yiri waxaa uu ka Dhacayaa Sheekh - Radiossc

- Saturday, May 14, 2005 at 14:34

 

Laascaanood: Waxaa maanta soo gaadhay Xafiiska Radiossc.com ee magaalada Laascaanood Bayaan ay soo saareen Isimada Gobollada Sool Sanaag Iyo Cayn,Bayaankan oo ay Isimadu ku ku cadeyeen mawqifkooda ku aadan War Shalay laga sii dayey Idaacada BBC-da oo lagu sheegay in Shir lagu qaban doonomagaalada Shiikh oo ay ka qayb gali doonaan Isimada Deegaanku.

 

 

Bayaankan oo uu na soo gaadhsiiyey Garaad C/salaam Xasan Max’ed ayaa u qornaa sedan.

 

 

 

To:BBC.Somali Service. 14/5/05.

 

To.Saxaafadda Madaxa banaan

 

 

 

Ka: Isimada Sool Sanaag iyo Cayn.

 

 

 

Kadib markii aanu maqalnay war ay shalay sii daysay Idaacada BBC-da oo ka hadlayey shir la sheegay in lagu qabanayo Magalaada Shiikh 1da Jun,ayaa waxaa ka dhashayb shir deg deg ah oo ay maanta oo Taariikhdu tahay 14/5/05 ay isagu yimaadeen Isimada Beesha Sool Sanaag iyo Cayn kaasoo looga arin sanayey hadalkaas idacada laga sheegay ,ayaa waxaa aakhirkii Isimada beeshu ka soo saareen bayaan u qornaa sidaan.

 

Anagoo ah Isimada Beesha degta Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn waxaanu ummada Soomaliyeed iyo Idaacada BBC-da u sheegaynaa in aanan waxaba kala socon shirkaas la sheegay ee lagu qabanayo Shiikh.Waxaa jiray wadahalo u socday Isimada labada Dhinac kaa soo looga hadlayey arimaha nabad galyada Beelaha Dariska ah ayaanan wax go’aan ah ka wada qaadan meesha shirka lagu qabanayo iyo meesha lagu qabanayo midna,Taas macnaheedu ahayn in aanu joojinay wadahalkii nabada,lakiin qaabkan wax u socdaan waxba kala socono mana tagayno.

 

 

 

Garaad C/qani Garaad Jaamac

 

Garaad Saleebaan Garaad Max’ed.

 

Garaad Abshir Saalax Max’ed

 

Garaad C/salaam Xasan Max’ed.

 

Suldaan Siciid Cismaan Cali

 

Garaad Saleebaan Baraale.

 

 

 

Xigasho: radiossc.com

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baaq ka soo baxay Guddiga Nabbada oo taageeraya Bayaanka Golaha Isimada Sool, Sanaag iyo Ceyn

Posted to the Web May 15, 13:06

 

Laascaanood:-Baaq ka soo baxay Guddiga Nabbada oo taageeraya Bayaankii ay soo saareen Golaha Isimada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa noqol saxaafadeed soo gaarsiiyeen Warsidaha Puntlandpost qorbo joogta Sool,Sanaag iyo Cayn,wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u qornaa sidan:

 

 

KU: Saxaafadda Madaxa banaan

 

Sida aad la wada socotaan Guddiga Nabadda ee Qurbajoogta Sool, Sanaag iyo Hawd,waxay in muddo dheer ah ku hawlanaayeen sidii ay nabadi uga dhalan lahayd Goobaha ka tirsan Gobolka Sool ee colaaddu ka taagan tahay ee ay isku hor fadhiyaan labada ciidan.

 

Guddiga Nabaddu, wuxuu aad isugu hawlay inuu isu keeno madax dhaqameeyada deegaammada ay colaaddu sida tooska ah u taabanayso, isagoo xiriir toos ah iyo mid dadban labadaba la lahaa isimmada deegaammadaas ee labada dhinac.

 

Guddiga Nabaddu, isagoo wax walba ka hor-marinaya nabad-ku-wada noolaanshaha dadyowga deegaammadaas, wuxuu madax dhaqameeyada ku boorriyaa in ciidammada´is-horfadhiya la kala fogeeyo.

 

Maadaama ay caddaatay in maamulka Soomaaliland uu ka cagajiidayo nabad ka dhalata gobolladaas, sida laga sheegay idaacadda BBCda ee ku saabsan habka shirka nabadda loo maamuli doono, waxaa Guddigani si buuxda u taageerayaa baaqii ka soo baxay Golaha Isimmada Sool, Sanaag iyo Hawd ee taariikhdiisu ahayd May 14, 2005.

 

Guddiga Nabadda ee Qurbajoogta Sool, Sanaag iyo Hawd.

 

Puntlandpost.com

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this