Sign in to follow this  
Deeq A.

AKHRISO: Qodobada ay ka ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Masar iyo Soomaaliya ka dib heshiiskii Ankara

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa wada hadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Cabdulcaati.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha si loo daboolo rajada shacabka walaalaha ah ee labada dal.

Wadahadalkan ayaa diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo fulinta natiijooyinkii kasoo baxay shirkii saddex geesoodka ahaa ee ka dhacay Asmara 10-kii Oktoobar 2024, kaas oo dhexmaray Soomaaliya, Masar, iyo Ereteriya.

Dr. Badr Cabdulcaati, ayaa markale ku celiyay taageerada buuxda ee dalkiisu u hayo dawladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Masar ay ku garab taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda, iyo sidoo kale taageerada ay siinayso la dagaallanka argagixisada si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni.

Wasiirrada ayaa sidoo kale isla gartay in la sii wado wada shaqeynta labada dal iyo in si wadajir ah loo sii diyaariyo shir saddex geesood ah oo ay isugu imaanayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, iyo Ereteriya.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta iyo iskaashiga ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danaha wadaagga ah leh.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this