Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo Muqdisho usoo dirtay qeybtii labaad ciidamadii DF ee Raaskmabooni

Recommended Posts

Deeq A.   
470240157_1017907033714331_4219369770070

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa weli ku howlan soo daabulidda ciidamadii ay dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya gaysay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii looga adkaaday dagaalkii ka dhacay halkaasi.

Qaybtii labaad ee ciidamada dowladda ayaa maanta diyaarad laga soo saaray magaalada Raaskambooni, waxayna kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde,

“Dowladda Jubbaland ayaa maanta mar kale sagoontisay qeybtii labaad ee dhalinyaradii lagu soo qabtay dagaalkii ka dhacay Raas-kaambooni, iyadoo diyaarad loogu celiyey magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamul goboleedka Jubbaland.

Ciidamada inta aysan soo bixin ayaa waxaasoo sagootiyay saraakiil ka tirsan qaybta 43-aad ee ciidanka Xooggada dalka, waxaana Jubbaland ay sheegtay in lasoo khalday dhalinyaradan, sida ay ku sheegtay war qoraal ah oo ay maanta soo saartay.

“Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland, iyo Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga, ayaa goobjoog ka ahaa sagoontinta dhalinyarada, kuwaas oo Xasan Sheekh uu ku soo khaladay deegaanka Raas-kaambooni” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Deegaanka Raas-kaambooni ayaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay ahaa mid nabad ah”.

Xaaladda deegaanka ayaa hadda deggan, waxaana si buuxda u maamulayo ciidamada Jubbaland oo Arbacadii lasoo dhaafay dagaal ku galay magaalada Raaskambooni.

Si kastaba, waxaa jira ciidamo kale oo boqolaal ah, oo u baxay dhinaca dalka Kenya, kuwaas oo lagu wado in iyagana lagu soo celiyo magaalada Muqdisho.

470197954_1017906817047686_2079472173836 470206068_1017906957047672_4703384411655 470209788_1017907220380979_6547144078121 470209815_1017907107047657_9010232948206 470215264_1017906740381027_6712415508791 470231004_1017907087047659_5242868076140 470236887_1017907163714318_6245752022663 470240157_1017907033714331_4219369770070

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this