Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse muxuu ku tilmaamay lacagta la siiyo kooxaha xagjirka ah ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in lacagta la siiyo kooxaha argagixisada ay halis ku tahay, diinta, amniga, bulshada iyo dowladnimada, isla markaana lagu dhiirigelinayo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey shirweynaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha ka hortagga iyo ladagaallanka Maalgelinta argagixisada, ayaa hoosta ka xarriiqay in si kasta oo loogu lug-yeelan karo maalgelinta kooxaha xagjirka ah, ay tahay danbi weyn oo lagu muddan karo in caddaaladda lala tiigsado ciddii lagu helo.

“ Waxaa la soo gaaray xilligii damiirkeennu shaqeyn lahaa, xilligii aan dullinimada ka bixi lahayn, Khawaarijta waa in aan iska celinaa, shacabkana waxaa laga rabaa in bannaanka loo soo baxo oo si dhab ah uga xorowno cadowga“.

Mudane Xamsa, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in dowladda lagu taageero la dagaallanka kooxaha xagjirka ah iyo kuwa maalgeliya, isaga oo uga digay ganacsatada in cadowga ay ku taageeraan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this