Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu maamulka Cusub ee Suuriya ka yiri xadgudubka ay Israa’iil ka waddo dalkaas ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xilli ay militariga Israa’iil maalmihii la soo dhaafay duqeymo ba’an ka wadeen gudaha Suuriya, islamarkaana duullaan dhulka ay ku galeen dalkaas ayaa arrintaas ka falceliyay maamulka cusub ee jabhadaha dhowaan xilka ka tuuray Bashaar Al-assad.

Hogaamiyaha guud ee isbahaysiga jabhada Suuriya Abuu Maxamed Al-joolaani ayaa dhaleeceeyay dhul-qabsiga Israa’iil iyo weerarrada cirka ah ee ay dalkaas ku hayso, balse waxa uu sheegay in dalkiisu uu aad uga daalay colaado, taas oo u muuqata inaysan diyaar u ahayn iska hor-imaad ay la galaan Tel-aviv.

Dhanka kale diblumaasiyiin sar sare oo ka kala socda 8 dal oo Carbeed, Turkiga iyo Maraykanka ayaa ku kulmay dalka Urdun si ay uga wada hadlaan mustaqbalka Suuriya, waxayna ku baaqeen isbedel siyaasadeed oo nabad ah oo loo wada dhan yahay uu dalka ka dhaco.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this