Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Koonfurta Kuuriya oo shaqada laga eryay iyo Shaqooyinka dowladda oo laga mamnuucay

Recommended Posts

Deeq A.   

Yoon Suk Yeol, ayaa si rasmi ah waxaa looga mamnuucay dhamaan shaqooyinkii uu ka hayay xafiiska ugu sarreeya dalkaas ka dib markii baarlamaanka dalkiisu ka xayuubiyeen xilkii madaxweynenimo ee uu u hayay dalkiisa.

Xilka ayaa haatan waxaa la wareegay ra’iisul wasaaraha dalka, Han Duck-soo.

Khudabadii ugu horeysay ee uu jeediyay madaxweynaha sida kumeelgaarka ah talada dalka u hayn doona ayaa waxa uu ku sheegay, in uu awoodda saari doono “sidii uu xaalka u dajin lahaa”iyo “in uu jawiga dadka sidii caadiga ah ugu soo celin lahaa”.

“Ka shaqsi ahaa, isla markaana dowladda masuul ka ah, waxaan dareemayaa masuuliyad culus oo iga saaran xaalka nasiib xumada ah ee aan ku jirno, waanan ka raali galinayaa dadka reer Kuuriya,” ayuu yiri Han.

Madaxweynahaan xilka sii hayn doona ayaa waxa uu sheegay in uu ka ilaalin doono dowladda “in uu firaaq dhaco” isaga oo sheegay in uu soo dhisi doonoo “haykal amni oo adag” iyo gole wasiiro oo ay diiradoodu tahay “shaqo adag oo halkeeda ku sii haysa aamniadda” ay isku qabaan wadamada Maraykanka, Japan iyo xulufada kale ee ay leeyihiin, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this