Deeq A. Posted December 14 Ceelbuur (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Xarar-Xayle oo hoostaga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo saaka qarxay ayaa u dhexeeyAY labada maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda degmooyinka Ceelbuur iyo Guriceel ee isla gobolka Galgaduud. Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka ay ku dhinteen illaa 9 qof oo isugu jiray dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah. Xaaladda deegaanka ayaa weli aad u kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka labada beelood oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo kasii wada halkaasi. Sidoo kale maleeshiyaadka ayaa weli wada isku hub aruursi, waxayna helayaan gurmadyo gaaraya jiidda hore ee dagaalka, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka. Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi lagu hoobtay ee ka dhacay deegaankeeda. Gobollada dhexe oo ay weli ka socdaan howlgallo xorey ah ayaa waxaa haddana ka qarxay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo saameyn ku yeeshay Galgaduud iyo Mudug. Share this post Link to post Share on other sites