Deeq A. Posted December 14 Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo sanad ah ayaa waxaa laga joogaa maalintii guusha wayn laga gaaray barnaamijka deyn cafinta oo dowladda federaalka ay kasoo hoysay guul wayn, kadib markii dhammaan laga cafiyay daymihii lagu lahaa. Sanad kadib waxa ay dowladda Soomaaliya soo saartay warbixin cusub oo ay uga hadleyso guushan, taas oo lagu sheegay in aanu weli wax isebaddal ah ku imaanin. Wasiirka maaliyadda, Biixi Imaan Cige oo warbixinta soo saaray ayaa sheegay in wax deyn ah amuddada sanadkan ah aysan qaadan dowladda federaalka, taas oo ah guul kale. Hoos ka akhriso warbixinta:- Waxaa muddo sanad ah laga joogaa gaariddii Dowladda Soomaaliya ee hannaanka deyn cafinta oo soo socday muddo ku dhaw 10 Sanadood, hada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxa uu uga hadlay marxaddda Soomaaliya ee sanad kadib qorshii gaaridda barta kama dambeynta ah ee deyn cafinta Mudane Wasiir Biixi ayaa qormadiisa ku bilaabay sidatan, Maanta oo kale sanad ka hor, waxa ay ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado iyadoo uu na wehliyo Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud guul taariikhi ah oo ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed gaareen taas oo aheyd in nalaga cafiyay deyn gaaraysay 5-Bilyan oo Doolar, taas oo cuuryaamisay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, xiligaasi waxa uu ahaa gaba gabada halgankii dib-u-habaynta Maaliyadda oo lagu guulaystay kadib muddo toban sano ku dhow oo uu soconayay. Sannad ka dib, waxa aan si guul leh u wada xoojinay oo aan ku heshiinnay baabi’inta deymaha ay la haayeen dalalka ku midaysan magaca 𝐍𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 oo aan saxiixnay heshiisyo is xig-xiga, sidoo kale waxa aan wadiiqo lamid ah taas oo kale la galnay dalalka aan ka midka aheyn Naadiga ee loo yaqaano 𝐍𝐨𝐧-𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐂𝐥𝐮𝐛, intaasi waxaa sii dheer iyada oo ay jiraan caqabado dhaqaale hadana wax deyn cusub ah Dowladda Soomaaliya ma galin muddadaas Sanad ka ah, innagoo ilaalinay xasilloonida dhaqaalaha guud ee dalka, sare u qaadidda dakhliga, sii wadidda dib-u-habaynta Maaliyadda iyo xoojinta maamul-wanaagga Maaliyadda. Dowlad ahaan waxa aanu ku sii adkaysanaynaa sii wadidda qorshe yaasha dib-u-habaynta iyo kobcinta dakhliga si aan u maalgalino adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada oo ay ku jiraan shaqaaleysiinta macalimiin badan iyo maalgalinta adeegyada caafimaadka”. Share this post Link to post Share on other sites