Deeq A. Posted December 14 Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, haddana ah taliyaha guud ee ciidanka dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, Cali Jayte Cismaan oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay dalka. Cali Jayte ayaa ka horyimid tallaabada ay dhowaan qaadday dowladda dhexe ee ay ciidamada ku gaysay deegaannada maamul goboleedka Jubbaland, isaga oo wax laga xumaado iyo qorshe xumo ku tilmaamay tallaabadaasi. Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada uu hoggaamiyo Macawiisleyda ay garab ka waayeen dowladdooda, isla markaana hubka ay ku dagaalamaan ay iyaga soo iibsadeen, taas beddalkeeda dowladdu ay ciidamo ku gureyso hal jiho ah oo kaliya. “Inay dagaalamaan dad masaakiin ah oo qoryo ay kala baxeen geelooda ku dagaalamayo ay cidi saad siineyn ee cidi mushaar siineyn, meel kalena ciidamadii Soomaaliya lagu guro oo hal jiho ah Soomaali baan u bandhigeynaa” ayuu yiri gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale wuxuu farriin u diray dalalka Soomaaliya ka taageera dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay inay hoos u eegayaan waxa ka socda gudaha dalka. “Dowladaha saaxibka la ah Soomaaliya ee gacanta ka siiya xagga dagaalladana, waxaana leenahay talo ayaa Soomaaliya ku leedihiin hoos u eega” ayuu mar kale yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan lagu kala baxay arrintii Raaskambooni, kadib dagaal ka dhacay magaaladaas oo looga adkaayay ciidamada dowladda. Dhammaan ciidamadii halkaasi la geeyay ayaa noqday, kuwa la qabtay, kuwa isku dhiibay ciidanka Kenya iyo kuwa oo kale noqday dhimasho iyo dhaawac. Share this post Link to post Share on other sites