Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka ka dhex-qarxay SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo galay maalintii labaad

Recommended Posts

Deeq A.   
dagaal.jpg?fit=1080%2C603&ssl=1

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal saaka dib uga qarxay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa galay maalintii labaad oo xiriir ah, wuxuuna soo bilowday shalay, iyada oo mar kale labada ciidan ay dib isugu laabteen saaka, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadka shacabka ah ay bilaabeen inay ka barakacaan Ceerigaabo.

Inta ka xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay dad kor u dhaafayo 15 qof oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo rayid ah, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha uu sii kordho, maadaama uu weli sii socdo dagaalka.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada SSC-Khaatumo iyo Somaliland, kuna aadan dagaalka ku dhex-maraya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xaaladda ay faraha kasii baxeyso, isla- markaana ciidamo iyo gaadiid dagaal oo gurmad ah ay gaareen halkaasi, taas oo cabsi kusii abuurtay dadka deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kacsaneyd xaaladda maagaaladan, waxaana jiray dibadbaxyo ay dhigeen shacabka oo looga soo horjeeday dilal ka dhacay degmadaasi oo ay SSC ku eedeysay ciidamada Somaliland.

Dagaalka ka qarxay Ceerigano ayaa kusoo aaday, iyada oo dhowaan isbeddal uu ka dhacay Somaliland, kadib markii la doortay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxaase ay u muuqataa in weli xiisadda labada dhinac ay kasii socoto halkeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this