Sign in to follow this  
Deeq A.

WasiirkaMaaliyadda “Wax deyn ma qaadan DFS Mudada sanadka aheyd ee kasoo wareegtay Barnaamijka deyn cafinta”

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka hadlay guusha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan deyn cafinta, isagoo xusay in sanad ka hor ay Soomaaliya ka gudubtay caqabadihii dhaqaale ee waaweynaa.

“Maanta oo kale sanad ka hor, waxa ay ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado iyadoo uu na wehliyo Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud guul taariikhi ah oo ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed gaareen taas oo aheyd in nalaga cafiyay deyn gaaraysay 5-Bilyan oo Doolar.”

Waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in muddada sanad ka soo wareegtay aysan dowladda Soomaaliya wax deyn cusub ah qaadan, iyadoo la sii wado dib-u-habaynta maaliyadda, kor u qaadidda dakhliga, iyo maalgalinta adeegyada bulshada. Wasiirka ayaa yiri:

“Sannad ka dib, waxa aan si guul leh uga wada xaajionay oo aan ku heshiinnay baabi’inta deymaha ay la haayeen dalalka ku midaysan magaca Naadiga Paris… sidoo kale waxa aan wadiiqo lamid ah la galnay dalalka aan ka midka ahayn Naadiga ee loo yaqaano Non-Paris Club.”

Dowladda Soomaaliya ayaa ka faa’iideysatay fursadaha ay bixiyeen is-afgaradyada caalamiga ah, iyadoo xoogga saartay ilaalinta xasilloonida dhaqaale, maalgalinta adeegyada muhiimka ah sida waxbarashada iyo caafimaadka, iyo shaqaaleysiinta macallimiinta cusub.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this