Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo soo dhaweeyay Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
antonio_guterres.jpg?resize=940%2C627&ss

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres, ayaa soo dhoweeyay Heshiiskii lagu xalliyay Khilaafkiii Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ay wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa wuxuu intaasi raaciyay in si degdeg ah loo bilaabo wadahadalada farsamo iyo in geedi socodka heshiiska uu guul ku dhammaado.

Xoghayaha Guud ayaa mahadcelin u diray Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee Turkiga, kaasi oo fududeeyay isku keenista hoggaamiyeyaasha, wuxuuna xaqiijiyay diyaar garowga Qaramada Midoobey ee taageeridda geedi socodkan muhiimka ah.

Heshiiskani ayaa dhigaya in labada dowladood bilaabaan wada-hadallo farsamo, si loo helo marin badeed ammaan ah, oo ay Itoobiya ku gaarayso badda Soomaaliya, kaasi oo bilaaban doona ugu danbayn bisha Febraayo ee sannadka 2025, ayna fududeyn doonto dowladda Turkiga.

PUNTLAND POST

The post Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo soo dhaweeyay Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this