Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Jubaland oo mowqif Rasmi ah ka qaadatay Colaadda Siyaasadeed ee kala dhexaysa Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1734072030842.jpg?resize=720%2C48

Dowladda Jubaland ayaa sheegtay in ay si aad ah uga xuntahay dagaalkii ka dhacay degaanka Raas-Kambooni ee gobolka Jubada Hoose, waxaana ay ku tilmaantay dhacdo nasiib-darro ah oo laga baaqsan karay, si loogu xalliyo wada-hadal iyo isku tanaasul.

“Sida marar badan aan Caddeeynay, dagaalkan waxaa soo abaabulay Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa kuwaas oo u arkayay inay ku gaari karaan dano siyaasadeed oo gurracan iyadoo la adeegsanayo  Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) si ka baxsan waajibaadka sharci ee ciidanku leeyahay.”

“Falalkan sharci-darrada ah awgood, Xasan Sheekh iyo kooxdiisu waxay ciidamo u soo daabuleen deegaanka Raas-Kambooni halkaas oo dabka lagu shiday dhalinyaro Soomaaliyeed si loo gaaro ahdaaf siyaasadeed oo baal-marsan dastuurka iyo shuruucda dalka” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland.

“Dowladda Jubaland waxay aaminsan tahay in qorshayaasha CXD lagu dhex gelinayo arrimaha siyaasadda ay yihiin kuwo dhabar-jab ku ah dib-u-dhiska dowladnimada gaar ahaan hay’adaha amniga iyo CXD oo ah laf-dhabarta qaranimada dalkeenna” ayuu intaasi sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

Dowladda Jubaland ayaa sidoo kale Caddaysay in mowqifkeedu yahay in xalka khilaafaadka siyaasadeed uusan ku jirin xabad, islamarkaana wada-hadal diyaar u tahay in wixii kala aragti duwanaansho ah lagu xalliyo miiska wada-tashiga iyo isku tanaasul.

Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka Jubaland

FB_IMG_1734071993169.jpg?resize=720%2C90

PUNTLAND POST

The post Dowladda Jubaland oo mowqif Rasmi ah ka qaadatay Colaadda Siyaasadeed ee kala dhexaysa Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this