Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo soo dhaweeyay Heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
TKSQIW4Z55IJHNZKVAZCAAR5CY.jpg?w=1000&ss

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso Heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen in lagu soo afjaro xiisadda gobolka ee ka dhalatay isku dayga ay Addis Ababa ku doonayso in ay marin badeed hesho.

“Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa Baaqii 11-kii December ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka ee Itoobiya ee lagu xaqiijinayo qarannimada, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dal kasta,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken.

Labada dal ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyey tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayn uu bishii Janaayo heshiis la galay maamulka Somaliland ee sheegtaa in uu ka go’ay Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa in dhul xeebeed laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidan.

Hase yeeshee Arbacadii, Turkiga, oo dhexdhexaadiye ka ahaa wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay in labada dhinac ay gaareen heshiis xaqiijinaya “marin la isku halleyn karo, ammaan ah oo waara oo ay Itoobiya u hesho badda,” kaasi oo hoos imanaya maamulka madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken aya waxa uu intaas ku daray in xukuumadda Washington ay sugeyso “wada xaajoodka farsamada” ee qeexaya marinka badda ee Itoobiya “iyada oo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan doorkiisa.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo soo dhaweeyay Heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this