Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Muqdisho oo walaac ka muujiyay heshiis shaqaalle qoris ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa walaac xooggan ka muujiyay heshiis shaqo-qoris ah oo dhexmaray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya iyo dhiggeeda Sacuudiga.

Heshiiskan ayaa waxaa magaalada Riyaad ku saxiixay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, iyo Wasiirka Kheyraadka Aadanaha iyo Horumarinta Bulshada ee Sacuudiga, Mudane Eng. Axmed Bin Suleymaan Al-Rajhi.

Qaar kamid ah shacabka Muqdisho ayaa ka cabanaya dhibaatooyinka ay la kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha, marka ay gaaraan dalka Sacuudiga.

Mid kamid ah shacabka oo la hadlay Goobjoogtv ayaa sheegay in ay ka naxeen markii maqleen heshiiskaan xilli horay dhibaato loogu geystay Sacuudiga Gabadho Soomaaliyeed

“Ma doonayno in dhalinyaradeenna lagu kadeedo dal shisheeye, waxaa muhiim ah in marka hore la xaqiijiyo xuquuqdooda iyo nabadgelyadooda.” ayuu yiri.

Qof kale oo la hadlay Goobjoogtv ayaa tilmaamay: “Sacuudiga waxaa horey looga soo wariyay gabdho Soomaaliyeed oo lagu tacadiyay. Dowladdu waa inay ka digtoonaataa saxiixa heshiisyo aan dhalinyaradeenna badbaado u ahayn.”

Shacabka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, in ay dib u eegaan heshiiskan, iyagoo mudnaanta siinaya ilaalinta sharafta iyo xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this