Xaaji Xunjuf Posted June 22, 2010 Kulmiye oo Dhoolatus Balaadhan ka sameeyay Magaalada laascaanood. Isku soo bax balaadhan ayaa ka dhacay suuqyada magaalada laascaanood iyadoo wadooyinka waawayn.... Daawo Sawiradda Waxa weli ka soconaya gudaha magaalada laascaanood ololaha doorashooyinka somaliland iyadoo maalinba xisbi soo bandhigayo awoodisa iyo taageerada uu ka haysto shacabka gobolkan sool iyadoo ay tahay manta malinkii ugu danbeeyay ay ololayso xisbiga kulmiye. Isku soo bax balaadhan ayaa ka dhacay suuqyada magaalada laascaanood iyadoo wadooyinka waawayn ee magaaladana lagu arkayey baabuur aad u tiro badan oo calanka u gaarka ah kulmiye la sudhay laguna dhajiyey sawiradda musharaxa madaxwayana ahna gudoomiyaha xisbiga kulmiye Axmed maxamed Siilaanyo, Xaflad balaadhan aya ka dhacday barxada wayn ee ka horaysa dowladda hoose ee laascaanood barxadaas waxaa iskugu soo baxay kumanaan taageerayaasha xisbigaas ah, iyagoo halkaas ku soo bandhigayey taageerada ay u hayaan xisigooda kulmiye. Taageerayaasha xisbiga kulmiye ayaa halkaas ka sameeyey dabaal dagyo kala duwan oo iskugu jira heeso hido iyo dhaqan ah buraanburo, gabayo,yadoo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye ay halkaasi ka hadleen waxaana kamid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadlay Cabdirisaaq khaliif, baashe maxamed cade,cabdiqaadir indho indho iyo cabdiwaaxid cabdiqaadir iyo Qaar badan oo masuuliyiin ah oo ku so biray xisbigaasi kulmiye. Iyadoo degaanada ay u bexeen Masuuliyiinta sar sare ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Si heersare iyadoo lagu arkayay raxan fardo ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 22, 2010 Taageerayaashii ugu badnaa oo fardo fuushan Laascaanood iyo Sool u soo baxay xisbiga Kulmiye .Daawo. Warkii 22-Jun-2010 iyo Qormadii: news laascaanood-Waxaa weli ka soconaya gudaha magaalada laascaanood ololaha doorashooyinka somaliland, iyadoo maalinba xisbi soo bandhigayo awoodisa iyo taageerada uu ka haysto shacabka gobolkan Sool, iyadoo ay tahay maanta malinkii ugu danbeeyay ay ololayso xisbiga kulmiye ayaa ahayd maalinkii ugu xooganayd. Isko soo bax balaadhan ayaa ka dhacay suuqyada magaalada laascaanood iyadoo wadooyinka waawayn ee magaaladana lagu arkayey baabuur aad u tiro badan oo calanka u gaarka ah kulmiye la sudhay laguna dhajiyey sawiradda musharaxa madaxwayana ahna gudoomiyaha xisbiga kulmiye Axmed maxamed Siilaanyo, Xaflad balaadhan aya ka dhacday barxada wayn ee ka horaysa dowladda hoose ee Laascaanood ,barxadaas waxaa iskugu soo baxay kumanaan taageerayaasha xisbigaas ah, iyagoo halkaas ku soo bandhigayey taageerada ay u hayaan xisigooda kulmiye. Taageerayaasha xisbiga kulmiye ayaa halkaas ka sameeyey dabaal dagyo kala duwan oo iskugu jira heeso hido iyo dhaqan ah buraanburo, gabayo,yadoo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye ay halkaasi ka hadleen waxaana kamid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadlay Cabdirisaaq khaliif, baashe maxamed cade,cabdiqaadir indho indho iyo cabdiwaaxid cabdiqaadir iyo Qaar badan oo masuuliyiin ah oo ku so biiray xisbigaasi kulmiye. Siyaasiyiintan qudbadeeyey ayaa dhamaantood ugu baaqay shacabiga somaliland inay codkooda siiyaan Musharaxa madaxwayanaha ee Axmed maxamuud Siilaanyo iyagoo taariikh nololeedka siilaanyo ka war bixinyey sheegayna in siilaanyo uu dowlad yaqaan yahay horena ula sii shaqeeyey dowladii hore ee somaliya uu madaxda ka ahaa Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed siyaad barre. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Cabdirisaaq Khaliif isaga oo sheegay in xisbiga kulmiye yahay xisbi isbadal doon ah oo wax weyn ku soo kordhin doona somaliland gaar ahaana gobolka sool,isagoo waliba sheegay in ay buugaagta ay bixiyeen ay ku qorantahay waxqabadka ay qabandoonto hadii ay doorashada ku guulaystaan xisbiga kulmiye. Sidoo kale waxaa xaflada soo xidhay qudbad dheerna ka jeediyey gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka somaliland baashe maxamed cade,waxaana uu sheegay in xisbiga kulmiye la siiyo codka iyadoo uu sheegay in Ay bulsho weynta reer sool ay heli doonan isbedel. Sidoo kale waxaa uu sheegay hadii xisbiga kulmiye qabto talada in isimada SSC ay soo galayaan magalaada Laascaanood oo loogu tagayo meesha ay joogaan,Dagaalada iyo cooladan ka jirta Gobolada wada hadal lagu dhamaynayo. Sidoo kale waxaa Wafdigu ay u baxeen markii ay xafladii dhamaatay si ay ula qaatan ololaha doorashada oo ay tahay maanta maalinkii ugu danbeysey ee xisbiga kulmiye,Deeganada Adhi-cadeeye,yagoori Gumays iyo Canjiid,Iyadoo degaanada ay u bexeen Masuuliyiinta sar sare ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Si heersare iyadoo lagu arkayay raxan fardo ah. Ugu danbayntii ayaa waxaa wafdigu usoo anba baxeen Dhinaca magaalada laascaanood. Xaga hoose ka daawo damaashaadkii taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo la filayo inuu ku guulaysto doorashada soo socata. Quote Share this post Link to post Share on other sites