Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo si weyn u cambaareysay iska horimaadkii ka dhacay Raaskambooni

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqortooyada Ingiriiska ayaa si adag u cambaaraynaysay iska horimaadkii ka dhacay Raas Kambooni maalintii shalay, iyo khasaaraha aan loo dulqaadan karin ee nolosha dadka.

War ay soo saartay Safaaradda ayaa lagu sheegay in wadahadallo lagu bedelo dhacdooyinka gacan hadalka keenay.

“Waa wax aad looga xumaado in khilaafaadka siyaasadeed ay sababeen dagaallo halis ah, iyadoo baaqyada loo jeedinayay xasilloonida la iska indho tiray” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaaradda.

warka ayaa intaaasi kusii daray “Dhacdooyinkan laga fursan karay waxa ay wiiqayaan nabadgelyada Jubbaland, waxaana ay u adeegayaan Al-Shabaab. Waxaan si gaar ah u canbaaraynaynaa saamaynta xun ee ay ku yeesheen dad rayid ah oo noloshooda lagu dhibay jarista adeegyada isgaarsiinta iyo xaddidaadda dhaqdhaqaaqa”

Ingiriiska waxa uu ku baaqay in la dajiyo xaaladda, isagoo ku celinayay baaqa ah in dhammaan dhinacyadu dib ugu noqdaan wada hadallo wax ku ool ah si loo abuuro waddo lagu gaari karo dib u heshiisiin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this