Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax ka ogow is afgaradka hordhaca ah ee ay gaareen madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wadahadaladii uu garwadeenka ka ahaa  Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Kulankan oo saacado badan socday ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay  in dhammaan  arrimahii la isku haystey sida heshiiskii  kihilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

War Murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka ee Soomaliya.

Arrimaha la xiriira adeegsiga badaha oo ku kooban ganacsiga waxaa labada dal u mari doonaan hab sharciyeed labada dal faa’iido u leh oo qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha, laguna saleynayo dhowrista qarannimada, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Somalia, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

DFS waxay si mug leh ugu mahadnaqeysaa Madaxweyne Erdogan, shacabka iyo dowladda Turkiga, martigelinta kulankan iyo dadaalkii ay muddada 8-da bilood ku bixiyeen ka mira dhalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this