Deeq A. Posted December 12 Waxaa maanta degan xaaladda deegaanka Raaskambooni oo shalay ay ka dhaceen dagaallo qaraar oo u dhaxeeyay ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubbaland. Ciidanka Jubbaland ayaa gacanta ku haya deegaanka. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidankeeda ay ka saartay magaalada. Dowladda ayaa ku eedeysay madaxweynaha maamulka Jubaland inuu go’aansaday inuu iska horkeeno labada ciidan, iyadoo intaasi raacisay in ciidamadu aaney amar u haysan in ay la dagaallamaan cid aan ka ahayn Al-Shabaab. Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha Jubaland Aadan Axmed Xaaji oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaal saacado badan qaatay ay ciidamada maamulkiisu kula wargeen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose. Wuxuu ku eedeyay dowladda federaalka in ciidamadii caalamku u tababaray ay si qaldan u adeegsatay, isagoo sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku qabteen ciidan hub iyo gaadiid isla markaana ay jiraan ciidamo ka dhaawacmay dhanka dowladda oo ay gacanta ku hayaan, waxaana uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmayo ciidamadaas dhaawacyada qaba. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites