Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo ku heshiiyay in Itoobiya la siiyo marin badeed

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1733976923320.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa gaaray heshiis ku saabsan xallinta Khilaafkii labada dal, kaddib markii uu dhex-dhexaadiyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku heshiiyay in Itoobiya marin badeed ka hesho badda Soomaaliya, kaasi oo ay u isticmaali doonto deked ay adeegsato, kadib markii loo maro heshiis ku dhisan hannaan ganacsi oo laba geesood ah.

Labada dowladood ayaa sidoo kale ku heshiiyay dhawrista madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee labada dal, taasi oo ku salaysan is-qaddarin iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana meesha ka saaraysa tallaaba kasta oo waxyeellayn karta midnimada iyo wadajirka labada waddan.

Heshiiskani ayaa dhigaya in labada dowladood bilaabaan wada-hadallo farsamo, si loo helo marin badeed ammaan ah, oo ay Itoobiya ku gaarayso badda Soomaaliya, kaasi oo bilaaban doona ugu danbayn bisha Febraayo ee sannadka 2025, ayna fududeyn doonto dowladda Turkiga.

Wada-hadallada, waxaa lagu dhammaystiri doonaa mudda 4 bilood ah, si loo gaaro heshiis rasmi ah oo u ogolaanaya Itoobiya in ay marin badeed ka hesho badda Soomaaliya, kaasi oo ay u isticmaali doonto deked ay adeegsato.

Halkaan ka akhriso Heshiiska labada dal

20241212_071739.jpg?resize=1000%2C1393&s 20241212_071745.jpg?resize=1000%2C1402&s

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo ku heshiiyay in Itoobiya la siiyo marin badeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this