Jacaylbaro Posted October 25, 2007 Buuhoodleh(QARAN)-Madax-dhaqameedyada degaanka Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, ayaa ku gacansaydhay dalab uga yimi Jen.Cadde Muuse oo ka codsaday inay yimaaddaan magaalada Garoowe oo xarun u ah maamulka Puntland. Sida ay xaqiijiyeen warar lagu kalsoon oo Jamhuuriya ka heshay Buuhoodle, ayaa sheegaya in Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah madax-dhaqameedyadayada Sool oo maalmihii ina dhaafay ku sugnaa magaaladaasi uu dadaal xoog leh u galay sidii uu madax-dhaqameedyada Buuhoodle ugu qancin lahaa inay aqbalaan farriinta uga timi Cadde Muuse, haseyeeshee uu ku guuldarraystay kadib markay ku gacan-saydheen, waxana Garaad Abshir uu dib ugu noqday tuulada lagu magacaabo Widhwidh oo ka tirsan degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer. Sida uu ku soo warramay weriyaha Jamhuuriya ee Gobollada Bari, Keyse Axmed Digaale, ujeeddada uu ku doonayo Jen.Cadde Muuse madax-dhaqameedyada ayaa lagu tilmaamay inay tahay sidii looga tashan lahaa xaaladda Sool ee hadda gacan-ku-haynteedu u wareegtay Somaliland, isla markaana ay madax-dhaqameedyadu u samayn lahaayeen abuubul iyo olole dagaal oo lagu qaado ciidamada Somaliland ee hadda ku sugan Laascaanood. Sidoo kale waxa khilaaf xooggani soo kala dhexgalay Garaad Saleebaan iyo Madaxwene-ku-xigeenka Puntland oo ay aad isugu dhowaayeen, kadib markii Garaad Saleebaan ku eedeeyay Mr.Afqudhac inuu masuul ka yahay guuldarrada soo gaadhay ciidamada Puntland, taasina ay keento in maamulkii Laascaanood ku wareego dhinaca Somaliland. Garaad Saleebaan ayaa la sheegay inuu olole iyo abuubul dagaal ka wado degaanka Xuddun, inkastoo la sheegayo inuu kala kulmay diidmo xoogan shacbiga degaankaas. Dhinaca kale, wararka ka imanaya dhinaca Garoowe ayaa muujinaya in shacbiga Puntland oo ku eedaynayo khasaarihii iyo guuldaradii ku habsatay ciidamadooda ay masuul ka ahaayeen malleeshiyooyinka reer Sool oo ay iyagu jabiyeen, sidaa darteed ay ku adkaysanayaan waxgaradka iyo aqoonyahanka Puntland in aan dagaal dambe la galin ilaa inta ay reer Sool dhinac isku raacayaan. Sida ay sheegayaan dad xogogaal u ah oo ku dhowdhow Jen Cadde. Ololaha iyo soo rogaal-celinta dagaal ee uu ku hawlan yahay Cadde Muuse ayay ku tilmaameen inay adag tahay inuu si fudud oo dhakhso leh ugu guulaysto ururinta iyo iskukeenida ciidamo xooggan oo dagaal gala, inkastoo ay saraakiil sarsare uga yimaaddeen magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba. Waxa iyana su'aal taagan ah waftiyada ka kooban masuuliyiintii reer Sool ee hada ku sugan magaalada Laascaanood doorka ay ka qaataan dejinta xaalada sool ka taagan, iyagoo lagu tilamaamayo inay ahaayeen kuwo xidhiidhka ay la lahaayeen bulshada halkaas uu ahaa mid taabgaaban, qaarkoodna ay tahayba markii u horreysay ee gaadhaan Laascaanood oo iyagu aan dhaafi jirin caasimadda Hargaysa. Rabshadaha ka jira Laascaanood ayaa ah kuwo kordhay intii waftiyadaas gaadheen magaalada, arrimahaas oo u muuqda farriin ku socota masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ee halkaa ku sugan oo ay ay hortaal furdaaminta xaaladda ka jirta magaaladaasi iyo kasbashada dadweynaha, waxayna noqonaysaa hawlgalkii ugu cuslaa ee masuuliyiinta reer Sool ee ku jira golayaasha qaranka Somaliland loo diro, guusha arrimahaasina waxay ku xidhnaan doonaan hadba sida ay u wajahaan iyo isku xidhnaantooda. Source Jamhuuriya Quote Share this post Link to post Share on other sites