Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalka ka dhacay Raaskambooni

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Raaskambooni ay amar ku siiyeen in ay ka baxaan Magaaladaas islamarkaasne aysan dagaal gelin.

Axned Madoobe ayay ku eedeysay Dowladda in uu bannaystay in weerar uu ku qaado Ciidanka taasina ay keentay in dib u ruqaansi ay sameeyaan Ciidamada la geeyay Raaskambooni.

“Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada hoose in ay Kala wareegaan Atmis in ay halkaas dib uga baxaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Talaabada Dawladda ayaa timid ka gadaal markii uu go’aansaday eedaysane Axmed Madoobe in uu isku hallaago Wiilal Soomaliyeed oo Dhiigoodu uu qiimo badan leeyahay.

“Ciidamada Xoogga Dalku ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta,waxaana ka goan in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah Ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka Dadka iyo diinta” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this