Deeq A. Posted December 11, 2024 Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa guul wayn ka sheegatay dagaal ay saaka ciidamadeeda la galeen kuwa dowladda federaalka ee dhowaan la geeyay aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada dowladda, balse ay ka hortageen daraawiishtooda, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in jab xoogan ay gaarsiisay ciidamada federaalka, balse ma caddeyn inta uu la’eg yahay khasaaraha rasmiga ah. “Ciidamada Dowladda Jubaland ee ku sugnaa duleedka deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta waxaa weerar kusoo qaaday Maleeshiyada uu kusoo daadgureeyay Eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud. Ciidamada Dowladda Jubaland oo ku jira dadaaladooda is difaacista ah ayaa jab xoog Leh u gaystay maleeshiyada xamar laga soo daadgureeyay iyadoo Ciidamada Jubaland ay guulo wax ku ool ah ka gareen. Waxaa kale oo Jubbaland ay sheegashadeeda kusii dartay inay ciidamadeeda ay la wareegeen difaacyada hore ee Raaskambooni, kadib dagaalkii saaka ka dhacay halkaasi. “Ilaa hada Ciidamada Jubaland ayaa la wareegay difaacyada hore ee deegaanka Raaskambooni ay kaga jireen maleeshiyada kusoo duushay Jubaland iyadoo khasaare Kala duwan la gaarsiiyay” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Dhinaca kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aadan dagaalka saaka ee ay guusha ka sheegatay Jubbaland. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhinacyadu ay helayaan gurmadyo dheeraad ah oo kusii qul-qulaya furinta hore, waxayna taasj sii xoojin kartaa dagaalka qarxay. Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada horay madaxweyne Axmed Madoobe uu muddo 15 maalmood ah u qabtay ciidamada ay dowladdu gaysay Raaskambooni, haddii ay bixi waayaana uu sheegay in mas’uuliyadda ay qaadi doonaan madaxda dowladda federaalka. Share this post Link to post Share on other sites