Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka socda Ankara? – Maxayse tahay natiijada laga filan karo wada-hadalka?

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan-sheekh-iyo-abiy-axmed.jpg?fit=2048

Ankara (Caasimada Online) – Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa markale lagu wadaa inay marti-geliso wada-hadallo xasaasi ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ankara ayaa waxaa haatan ku sugan laba wafdi oo Soomaaliya iyo Ethiopia ka socda oo labaduba martiqaad ka helay madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Kadib marka uu madaxweynaha martida loo yahay uu midba gooni ula kulmo ayaa la filayaa in labada hoggaamiye Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisal wasaare Abiy Axmed ay fool ka fool isu arkaan, ayada oo uu goobjoog yahay madaxweynaha Turkigu.

Galabta iyo caawa ayaa la filayaa in fadhiyada xasaasiga ahi ay qabsoomaan, sida uu sheegay Yuusuf Garaad oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Wafdiga culus ee madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminayo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda Qxmed Macallin Fiqi, wasiirka gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys, La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macallin iyo Axmed Jaamac Cillal oo ah la-taliye sare oo madaxweyne.

Sidoo kale waxaa wafdiga Soomaaliya ee madaxweynaha ku wehlinaya wada-hadalladan kamid ah madax sare oo xagga amniga ah iyo khubaro ay ka mid yihiin sharci-yaqaanno, sida uu sheegay Yuusuf Garaad.

“Ma jirto cid qiyaasi karta waxa ka soo baxaya wada-hadalka maaddaama aanuu weli billaaban, hase yeeshee, waxay rajadu tahay in mowqifka Soomaaliya uu meel-maro,” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo ka hadlay natiijada la filan karo inay kasoo baxdo wada-hadalladan.

Tan ayaa haddii ay dhacdo dhabaha u xaari doonta in meesha laga saaro khilaafka labada dal ee jaarka ah Soomaaliya iyo Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this